Somaliland: “Waxa Looga Baahan Yahay Ganacsatada Inay Qiimaha Sarifka La Jaanqaadaan, Waayo Nebigu Wuu U Duceeyey Ganacsatada Ummadooda U Naxariista” Sheekh Dirir

Date:

Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday in khalkhalka ku yimaada dhaqaalaha iyo dhuuniga bulshada si adag u taabtaan, gurri walbana waa laga dareemo, sidaa darteed looga baahan yahay ganacsatadu inay u damqadaan dadkooda.

Sheekh Maxamed oo khudbadii Jimcaha shalay kaga hadlay saamaynta isbedelka safirku ku yeeshay maceeshadii dadku quudanayeen, iyo sida loogu baahan yahay in ganacsatadu ula dhaqmaan xaaladahaa ayaa ku bilaabay,

“Marka sarifka doolarku isbedel ku yimaado waxa laga cawdaa ganacsatada inay qiimaha halkii hore ku hayaan, iyagoo ka werwersan inuu dib u kaco.

Waxa looga baahan yahay inay bulshadeena qeybaha wax iibiya la socdaan ascaarta ayuu sheegay Sheekh Dirir, isagoo yidhi,

“waxa looga baahan yahay ganacsatada inay qiimaha sarifka oo markuu kacana la jaanqaadaan, markuu degana ay dejiyaan qiimaha badeecadaha.

Rasuulka NNKH wuu u duceeyey dadka marka ay wax-korodhsanayaan, ama wax khaqaajinayaan ummadooda u naxariista, ayuu yidhi sheikh Dirir,

“Alle haw naxariisto qofka saamaxaad badan, ee dadka wax ka dhima, markuu wax iibinayo, soo iibsanayo ama amaahinayo.

Jaangoynta halka sarifka lacagta ee suuqu yahay, ayaa looga baahan yahay in qofka ganacsataduna ku jaangooyo badeecadiisa, hadii sideed yahay, sidaa ka dhig, adigu hadaad toban ku socotay, ogow ummada waad barbar-socotaa, ood khilaafsan tahay.

Sheekh M Dirir ayaa ugu baaqay bulshadu inay xooga saaraan manaafacaadsiga waxa gudaha dalka ka baxa, qiimahiisana hoos loo dhigo,

“Dunida badeecadaha gudaha dalka ka soo baxda waa raqiis, nasiibdarada innaga inna haysata waxa wadanka ka soo baxa ayaa ugu qaalisan, arrinkaasi wacyigelin balaadhan oo xukuumad iyo shicib la iska kaashado waa muhiim. Dadkii masaakiinta ahaa waa bestood. Laba seledood mid 1 dollar & mid 20 sidata ayaa suuqa wada gelaya, waa la is-cawryayaan, oo la is-inkaarayaa. Marka wada tashigeeda loo dhaqaaqo waa in dhego furnaan loo muujiyo, Ilaahayna (CW) loogu dhowaado waxii la hagaajinayo ee islaax ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...