Shabakada Bulshada Ee Facebook Oo Lagu Eedeeyay Inay Carqalad Ku Hayso Qaarada Afrika .

Date:

Shirkadda Facebook ayaa aad looga hadal hayaa Africa iyada oo lagu eedaynayo in ay wax u dhimayso dimuqraadiyadda, dadka ka soo horjeeda ayaana sheegaya in bartan ay bulshadu ku xiriirto ee wayn ay ogolaatay in hub laga dhigto oo laga fuliyo ol’ole abaabulan oo dadka lagu marinhabaabinayo.

Wararka been abuurka ah ayaa aad loo faafiyay intii ay socdeen siddeedii doorasho ee sannadkan ka dhacay qaaradda Afrika, Toddobaadkii horana Facebook ayaa sheegay in shirkadd Israa’iil laga leeyahay oo arrimaha siyaasadda ka talo bixisa ay door wayn ku lahayd arrimahaas.

Shirkadda Facebook ayaa mamnuucday shirkadda Archimedes Group, taas oo ay sheegtay in ay ka dambaysay dadkii iska dhigayay in ay Afrikaan yihiin.

Shirkadda Facebook ayaa tirtay 265 ciwaan oo dadkaasi ay kul lahaayeen Facebook iyo Istagram, kuwaas oo lagu arkay “dabeecado been abuur ah”, ciwaannadaas ayaa inta badan bartilmaameedsanayay Nigeria, Senegal, Togo, Angola, Niger iyo Tunisia.

Nanjira Sambuli oo ka tirsan World Wide Web Foundation ayaa sheegtay in Facebook ay wakhti dheer ku qaadatay in uu u soo jeedsado wax ka qabashada dhibaatada dalalka soo koraya.

“Dimuqraadiyadda qaaraddu halis ayay ku jirtaa, nasiib darrana baraha ay bulshadu ku xiriiraan ayaa uga sii daraya,” ayay tiri Nanjira oo la hadashay Radio lugo badan

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...