Tuulo Ku Taalla Brazil Oo Dhammaan Dadka Ku Nooli Haween Yihiin Iyo Xukuumadda Dalkaasi Oo Rag Dejinaysa

Xukuumadda wadanka Brazil ayaa ugu dambayn go’aan rasmi ah ku gaadhay in ay rag dejiso tuulo ku taalla wadankaasi Brazil oo dhawaan warbaahintu ka diyaarisay warbixino la xidhiidha in dhammaan dadka tuuladaasi ku nooli haween yihiin. Wasiirka deegaamaynta iyo arrimaha Bulshada wadanka Brazil ayaa shir jaraa’id uu Khamiistii ku qabtay magaalada Salvador Bahia ee dalka Brazil waxa uu ku sheegay go’aan xukuumaddu tuulada Noiva Do Cordeiro ay ku dejinayso rag loo daabulayo tuuladaasi si ay u badhxaan xaawalayda tuuladaasi kalidood ku nool.

Go’aanka xukuumaddu gaadhay ayaa ka dambeeyey kadib dhawaan Qaylo dhaan ka timid haween ku nool Tuulo ku taal  koofur bari dalka Brazil oo lagu magacaabo Noiva Do Cordeiro, iyadoo dadka tuuladaan ku nool dhamaantood ay yihiin haween waliba arrinta layaabka lihi tahay haween dhammaantood hablo ah oo ay aad ugu yar yihiin haween waaweyni kuwasi oo dalbaday in loo keeno rag ay guursadaan. Sida lagu xusay jariirada Daily Mail da’da haweenka tuuladan ku nool ayaa u dhaxeysa 20 ilaa 35-sano, laakiin waxay dalabkooda shardi uga dhigeen ragga guursanaya inay u hogaansamaan sharciyadooda. Tirada haweenka dalbaday ragga yaa lagu sheegay 600 oo hablood, waxaa jira wiilal la dhashay qaar kamida haweenkan laakiin waxey shaqo u doonteen meel ka fog tuulada waanay adagtahay iney kusoo laabtaan, marka laga reebo xilliyada fasaxa. Sidoo kale dhaqanka tuuladan ayaa ah in haweenku hogaamiyaan talada qoyska iyo sidoo kale nolol maalmeedka qoyska. Sidii odayaasha iyo wiilasha qoysaskani uga shaqo tagayeen tuuladan ayaa keentay in aakhirkii haween isugu soo hadhaan iyada oo wakhtiyo kooban oo kali ah raggu soo booqdaan tuuladan.

Comments

comments