“Waan ku raaxeystay inaan la shaqeeyo xidiga kooxda Real Madrid” – Jose Mourinho

Date:

Tababarihii hore kooxda Real Madrid ee Jose Mourinho ayaa beeniyay in wax dhibaato ah uu ku qabay xidig ka tirsan Los Blancos.

Macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho iyo Karim Benzema ayay la sheegay inuu khilaaf ka dhexeeyay, xiligii uu ninka reer Portugal ku sugnaa garoonka Santiago Bernabéu.

Jose Mourinho ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “L’Equipe” ee dalka France kaga hadlay sida uu ahaa xiriirka kala dhexeeyay Karim Benzema waayihiisii kooxda Real Madrid.

“Waxaan kaliya doonayay inaan caawiyo Karim Benzema, si uu u gaaro heerkiisa ugu fiican, islamarkaana uu bahal ugu noqdo goolhaayaha hortiisa”.

“Waan ku raaxeystay inaan la shaqeeyo Karim Benzema”.

Yeelkadeeda, mudada saddexdii xili ciyareed uu Jose Mourinho macalinka ka ahaa kooxda Real Madrid, Karim Benzema ayaa ciyaaray 150 kulan, wuxuuna dhaliyay 78 gool.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...