Somalia: Madaxweyne Xaaf oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Xildhibaan Maryan Cali Abtidoon oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho

Date:

Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug,Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Maryan Cali Abtidoon oo maanta ku geeryootay magaalada Muqdisho.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan DG Galmudug waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraaya guud ahaan shacabka Galmudug, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Alle ha u naxariistee Xildhibaanad Maryan Cali Abtidoon”

” Xildh. Maryan Cali “Minashiibiyo” waxay ahayd ruux Bulshadu kusoo hirato oo ku caan-baxday aftahanimo, karti, hufnaan iyo daacadnimo. Waxa ay qayb wakhtigeeda kamid ah ku bixisay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed iyadoo kasoo shaqeysay Wasaaradda Maaliyada iyo Dekeda Muqdisho ka hor inta aysan kamid noqon Golaha Baarlamaanka Galmudug . Sidoo kale, Marxuumadu waxa ay kaalin muuqata ku laheyd dib u yagleelidii Maamulka Galmudug… Waxaan Alle uga rajeynayaa Jannatul Firdowsa, ehelkii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxdayna samir Jamiil ah iyo iimaan sugan.Innaa Lilaahi Wa Innaa ileyhi Raajicuun.” ayuu yiri madaxweynah Galmudug.
Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maryan Cali Abtidoon waxay kamid aheyd Xilibaannadii ugu horreeyay ee lagu aasaasay Golaha Baarlamaanka Galmudug waxayna kamid aheyd Gabahaha ugu firfircoon ee kamid ah Baarlamaanka dowlad-gobolleedyada Galmudug.
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...