Somalia: Al-shabaab oo xalay weerar culus ku qaaday deegaanka Bariire ee gobolka Sh Hoose

Date:

Xoogagga Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in xalay weerar culus oo dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Bariire ee ka tirsan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose oo maalmo ka hor ay la wareegeen ciidamada Soomaaliya.

Saraakiil dowladda ayaa sheegay in weerarkaasi ahaa isku day Al-shabaab ay ku doonayeen in ay dib ula wareegaan deegaanka hasse ahaatee iska cabin weyn kala kulmeen ciidamada DANAD ee gacanta ku haya halka lagu dagaalamay.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in labada dhinac ay xalay saqdii dhexe isu adeegsadeen madaafiic culus.

Deegaanka Bariire ayaa dhowr jeer oo hore waxaa gacan ku heyntiisa isku badbadalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab, waana halka ugu badan oo ay ku dagaalamaan labada dhinac

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Bariire ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku baadi goobayaan xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee xalay weerarka ku soo qaaday.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...