Somalia: Shirka ugu danbeeya ee Deyn cafinta waxaa la qabanayaa sanadkan 2020ka

Date:

Wasiirka Maaliyadda Dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo qabtay shirka Bilaha ayaa faahfaahin ka bixiyay wada hadaladii ugu dambeeyay ee deyn cafinta Soomaaliya oo ay la galeen Wadamadda iyo hey’adaha Soomaaliya lacagta ku leh.

Wasiir Beyle waxa uu sheegay in shirarkii ka dhacay Mareykanka Dowladda Soomaaliya muhiimad gaar ah la siiyay, si ay u soo bandhigto marxalada dhaqaale dalka, dalabka deyn cafinta, iyada oo ay fadhiyeen hey’adaha iyo Wadamada deymaha ku leh Soomaaliya.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Shirkii xigay ee wadahadalka deyn cafinta oo ka dhacay Addis ababa, iyadoo la isla meel dhigay dhameystirka Wajiga seddexaad ee wada hadalka deny cafinta iyo waqtiyenta shirka kama dambeysta ah ee deymaha looga cafinayo Soomaaliya oo dhacaya horraanta sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa sidoo kale ka hadlay Mashruuc ay taageeraayan Midowga Yurub iyo Banka aduunka oo lagu horumariyo is-dhaxgalka dhaqaalaha Waddamada Geeska Afrika iyo kulama ay wada qaateen Wasiirada dhigiisa ah ee gobolka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in mashruucani yahay mid faai’da badan u leh Gobolka, dalwaliba uga faa’iidaysanayo halku wax soo saarkiisu ku wanaagsan yahay.

Wasiir Beyle ayaa gabagaba sheegay in laga maarmaan tahay in labada gole ee Barlamaanka Soomaaliya ay meel mariyaan shuruucda dhinaca Maaliyadda ah ee Golaha Wasiiradu soo gudbiyeen ayna qeyb ka yihiin shuruudaha ay tahay ka hor sanadkaan ay Soomaaliya ka gudubto waxaana ka mid ah shuruucdaasi sharciga maamulka Dhaqaalaha dalka (PFM) , kan Dakhliga, mideynta canshuuraha iyo kastamyada iyo sharciga Iibka Qaranka oo dib u noqosho lagu sameynayo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...