Itoobiye: Madaxwayne Mustafe Cagjar Oo Ka Qeybgalaya Shirka Nabada Ee Soomaalida Iyo Oromada

Date:

Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar ayaa maalintii shalay gaadhay magaalada Adhaama ee degaanka Oromiya, madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Adhaama iyadoo shacabka magaaladaas ay waddooyinka taagnaayeen iyagoo caleemo qoyan wata.

Soo dhawaynta Madaxwayne Mustafe ayaa sidoo kale waxaa ka qayb qaatay masuuliyiinta u saraysa Dawladda degaanka Oromiya oo u horeeyo madaxwaynaha degaanka Oromiya Shimalis.

Madaxwaynaha ayaa ka qeybgalaya kulanka maanta ka furmaya Adhaama ee loogu xaadhayo nabad waarta oo ka dhex dhalata Soomaalida iyo Oromada oo muddooyinkii dambe colaad ka dhaxaysay.

Madaxwaynaha dowlada deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa gaadhay caasimada deegaanka Oromiya ee magaalada Adama halkaa soo siwayn ay uugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta sare ee deegaanka Oromoda uu horkacayo madaxwaynaha deegaanka Oromiyae Shimallis Abdiisaa,waxana waftiga madaxwaynaha loo soo galbiyay dhanka magalada Adama halkaaso ay maanta uu kaga qayb gali doonaan shirka nabadaynta labada shacab.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...