YAAB! Paul Pogba iyo David de Gea Oo Madax-furasho Weydiistay Manchester United Kaddib Ka Hadhitaankii Champions League

Date:

Bishii malabka ee Ole Gunnar Solskjaer uu la qaadanayey Manchester United ayaa si dhab ah u dhamaatay, waxaana beddelay madax xanuun iyo walaac hor leh oo kooxda soo food saaray, kaddib markii lix jeer laga badiyey siddeedii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Tababaraha reer Norway ayaa markii sida ku-meelgaadhka ah xilka loogu magacaabay waxa uu keenay guulo xidhiidh ah oo 10 kulan ay min saddex dhibcood qaateen 11 ciyaarood gudahood, laakiin waxa hadda beddelay guul-darrooyin xidhiidh ah oo laba guulood oo kaliya ay ka heleen siddeed kulan.

Man United ayaa waxay u degtay kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League oo markii hore ay kasoo dallacday, waxaana ka horreeya Chelsea, Tottenham iyo Arsenal, waxaana u raaca in dakharradii Barcelona ay u geysatay ee ay kaga reebtay Champions League ay wali kasii muuqdaan.

Sida uu qoray wargeyska The Times ee kasoo baxa UK, labada ciyaartoy ee Paul Pogba iyo David de Gea ayaa kaddib markii ay kooxdoodu ka hadhay Champions League, waxay dalbadeen in la siiyo lacago madax-furasho ah oo ay kusii joogaan naadiga, haddii kalena ay ka tegi doonaan.

Man United ayaa hore ugu wargelisay xiddigaheeda in mushaharkooda ay ka jari doonto boqolkiiba 25 (25%) haddii ay kooxdu ka qayb-geli weydo Champions League xili ciyaareedka dambe, laakiin taas waxa kasoo hormaray Pogba  iyo De Gea oo weydiistay in mushahar kordhin weyn loo sameeyo ka hor inta aanu bilaabmin xili ciyaareedka soo aaddan.

Pogba ayaa waxa uu toddobaadkii mushahar u qaataa lacag dhan £290,000, halka uu De Gea jeebadda ku shubto £200,000, laakiin labadooda midkoodna kuma faraxsana qandaraaska ay kula jiraan Man United.

Wargeysku waxa uu ku tilmaamay dalabka labadan ciyaartoy ‘Madax-furasho’ ay ka doonayaan Red Devils, hase yeeshee lama sheegin waxa ay maamulku maaggan yihiin.

Pogba ayaa waxa u gacan haadinaysa Real Madrid oo lacago badan diyaar ula ah, halka De Gea ay heegan ugu jiraan Paris Saint-Germain iyo Juventus.

Heshiiska De Gea ee United uu kula jiro Man United ayaa waxa uu dhamaanayaa xagaaga sannadka 2020, waxaanu iska diiday inuu saxeexo qandaraas cusub, halka Pogba ay laba sannadood uga  hadheen heshiiskiisa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...