Telefishanka beIN Sports Oo Shaaciyey Wariyeyaasha Tabin Doona Kulamada Maanta – Kulankee Ayuu Rauf Khalif Qaban Doonaa?

Date:

Telefishanka ciyaaraha beIN Sports ayaa soo saaray liiska wariyeyaasha tabin doona kulamada maanta ee horyaallada Premier League, LaLiga, Bundesliga iyo Ligue 1.

Kulamo adag oo muhiim ah ayaa maanta ka dhacaya Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska, kuwaas oo saamayn weyn ku yeelanaya sida uu noqonayo hoggaanka sare iyo kooxaha ku guuleysanaya horyaallada xili ciyaareedkan.

Manchester United oo kaalinta lixaad kaga jirta miiska kala sarraynta Premier League ayaa garoonka Goodison Park ugu tegaysa Everton, laakiin Arsenal oo iyaduna saddexaad inay ku ruqaansato doonaysa ayaa soo dhoweyn doonta Crystal Palace, halka ay Liverpool u tegayso Cardiff City oo casaanka ku jirta.

Dalka Jarmalka, Bayern Munich ayaa xalay isku ballaadhisay hoggaanka xili uu gebo-gebo ku dhow yahay xili ciyaareedku, waxaanay afar dhibcood ka sare martay Borussia Dortmund oo kulankeeda usbuuca maanta ciyaaraysa, taas oo dhibcaha laga horreeyo ka dhigi karaysa hal dhibic oo kaliya.

Sidaas oo  kale, Monaco ayaa mar kale dib u dhigi karta in PSG ay maanta ku guuleysato horyaalka dalka Faransiiska ee Ligue 1.

Haddaba telefishanka beIN Sports qaybtiisa luuqadda carabiga ayaa shaaciyey wariyeyaasha loo magacaabay inay tabiyaan kulamadan, waxaana ka maqan wariye Cusaam Shuwali oo hayey ciyaartii shalay ay Man City 1-0 kaga adkaatay Tottenham.

Jadwalka kulamada iyo wariyeyaasha ku qoran baahinta:

Premier League:

Everton vs Manchester United – beIN Sports 2 – Waxa tebinaya wariye Cali Maxamed Cali

Arsenal vs Crystal Palace – beIN Sports 1 – Wariye Maxamed Barakat

Cardiff City vs Liverpool – beIN Sports 2 – Rauf Khalif

LaLiga:

Real Madrid vs Athletic Bilabo – beIN Sports 3 – Xafiid Daraji

Bundesliga:

Freiburg vs Borussia Dortmund – beIN Sports 5 – Khalif Qawl

Ligue 1

Monaco vs PSG – beIN Sports 6 & beIN 4K – Khaliil Balushi

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...