Somalia: Kheyre “Annaga Cidna Xoog Kuma Maquunino Balse Dhaqanka Dowladnimo Ayaa Xoog iyo Awood ah”

Date:

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay caburinta lagu eedeeyo inay ku hayaan siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in dad badan ay aamisan yihiin dowladda hadda jirtaa inay xoog u adeegsato shacabka, balse taasi ay tahay waxba kama jiraan, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in amarka dowladnimo uu yahay in markii la doonayo in dhaqaalaha horumarin lagu sameeyo la fogaado musuq maasuqa,taasina ay hormuud u tahay la-xisaabtanka dowladda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in dadka kala ogaadaan Maxaan xoog aheyn maxaase Xoog ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa Muhiim ah in dadka kala ogaadaan maxaa xoog ah maxaasne xoog aheyn, marka aad musuq maasuq la dagaalameyso waxaa dhacaya waxyaabo badan, waxaan balanqaaday inaan ciidamada dib u habeyn ku sameyneyno, waxaan balanqaadnay inaan dadkii hore ka duwanaan doono, waadna aragtaan inaan aniga iyo madaxweynaha wali wada joogto”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay inay balan qaadeen waxyaabo badan oo ay ugu horeyso inay wada shaqeyn doonaan, walina ay wadadaasi ku socdaan sida uu hadalka u dhigay Xasan Cali Kheyre.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...