Maanta oo kale 2019, Arsene Wenger ayaa ku dhawaaqay inuu isaga tago Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedka.
Saacado ka dib markii uu ka dhawaaqay inuu kooxda ka tagayo, taageerayaal badan ayaa ugu baaqay kooxda inay magaca ka bedesho garoonka Emirates Stadium islamarkaana ay u bixiyaan magaca tababarahoodii ugu mudada dheeraa taariikhdooda.
Ciyaartoydii hore ee Arsenal Paul Merson iyo Alan Smith ayaa sidoo kale taageeray fekrad aha in garoonka Arsenal mustaqbalka loo bixiyo Arsene Wenger Stadium.
“Waa inay iska bedelaan magaca Emirates uma baahna lacagta, waana inay u bixiyaan Arsene Wenger Stadium” ayuu Merson u sheegay Sky Sports News.
“Garoonkaan waa garoonkiisa. Isagaa dhisay. Isagaa sameeyay garoonkaan. Xitaa waxa ay sameyn karaa inay dhahaa Emirates Arsene Wenger Stadium. Wuu u qalmaa in loogu magacdarro garoonka”
ayaa waxaa saxiixay ilaa iyo haatan in ka badan 4 kun taageerayaal ah iyagoo ugu baaqaya kooxda in Arsene Wenger loogu magacdarro kooxda.
enger ayaa taariikh uga tagay Arsenal 22 sannadood uu kooxda joogay, waxa uu la qaaday 10 koob oo waa weyn isagoo sidoo kale kooxda hogaamiyay in ka badan 800 kulan oo Premier League ah, laakiin miyuu u qalmaa in loo bixiyo magaca garoonka?