Puntland: Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dilka maareyaha dekedda Boosaaso Paul Anthony

Date:

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhow sheegay Puntland inay qaadeyso tallaabo jawaab u ah dilka maareyaha dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Ports ,Paul Anthony Fermosa.
Madaxweyne Deni, ayaa tacsi u direy qoyska maareyaha geeryooday iyo shirkadda P&O Ports ee gacanta ku haysa dekedda magaalada Boosaaso, wuxuuna falka ku tilmaamay mid argagixiso ah oo lagu waxyeeleynayo sharafta shacabka Puntland iyo dowladoodaba.
“Cid walba oo ku lug yeelata dilka ha joogan dalka iyo dibaddaba waa dambiilayaan, tallaabo ayaana laga qaadi doonaa”. ayuu yiri madaxweyne Deni oo inta raaciyay “Laamaha amniga waxaan faraya inay heegan u galaan si looga hortago weerarrada cadawga maleegayo”.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay madaxa shirkadda P&O Ports ee dekedda Boosaaso, Paul Anthony Fermosa.
Guddoomiyaha gobolka Bari ,Yuusuf Maxamed Wacays ayaa sheegay in Paul subixii hore ee Isniinta maanta lagu dilay guri uu degenaa oo aan sidaasi uga fogeyn dekedda Boosaaso.
” Ninkaasi xabadihii lagu dhuftay ayuu u dhintay, laba askari oo ilaaladiisa ahaa waa dhaawac, waxaa kale oo dhaawac ah nin Hindi ah oo uu u shaqeynayay, waxaana gacnta ku heynaa ninkii weerarka geystay oo dhaawac ah, waana la daweynayaa.”. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay guddoomiyaha gobolka Bari.
Paul Anthony Farmosa oo 53 jir ah, wuxuu dhashay sannadkii 1996-dii,isagoo ku dhashay dalka Malta,halkaas oo u ku soo bartay maareynta dekedaha.Sannadihii 2013-ka illaa iyo 2016 waxaa uu kasoo shaqeeyay dekedaha dalka Sudan, halkaasi oo uu ka ahaa maareye ku xigeen, waxaana sidoo kale uu kasoo shaqeeyay dalal ay kamid yihiin Moroco iyo Imaaraadka Carabta.
Paul ayaa sidoo kale ahaa tabbabare arrimaha dekedaha iyo maamule aqoon durugsan u lahaa howlaha dekedaha.Intii u dhaxeesay bilihii Jannaayo illaa iyo Luuliyo ee sannadkii 2017-ka waxaa uu sheegay in uu kasoo shaqeeyay dalka Guinea, wixii intaa ka dambeeyay na waxaa uu bishii Agoost ee sannadkii 2017-ka uu ka shaqo billaabay magaalada Boosaaso ee Soomaaliya, halkaasi oo uu uga shaqeynayay shirkadda maamusho dekedda Boasaaso ee P&O Ports , kana ahaa maareyaha dekedda.
Shirkadda P&O Ports  oo ay leedahay shirkadda fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa heshiis soddon sanno ah kula jirta Puntland, waxa  heshiiska qayb ka ah shirkadda inay ballaariso dekedda dayactir iyo casriyeenna ku sameyso.
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...