Laascaanood oo markii ugu horaysey laga bilaabayo mashruuca horumarinta degmooyinka

Date:

Kulan lagu qorshaynayo qaabka horumarineed ee degmada Laascaanood ayaa lagu qabtay xarunta dawlada hoose ee Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Agaasimaha horumarinta gobolada iyo degmooyinka wasaaradda arimaha Gudaha Maxamed Cali ayaa hawl-wadeenada dawlada Hoose ugu bishaareeyey in mashruuca horumarinta degmooyinka iyo gobolada u yihiin horbaxanyo oo ay qiimaynayaan baahiyuhu sida ay u kala horeeyaan.

“Mashruucii la odhan jirey JPLG oo ka shaqayn jirey lix degmo ayaa haatan loo bedeley horumarinta degmooyinka iyo gobolada kaas oo ay dawladu haatan maamusho ayaa magaalada Laascaanood ka mid tahay, waana sababta aan halkii ugu horaysey ka dhiganay” sidaana waxaa yidhi Maxamed Cali isagoo intaas ku daray in ay la socdaan Machadka tabarka shaqaalaha oo iyana qiimaynaya aqoonta shaqaalaha.

Gudoomiyaha degmada Cabdicasiis Xuseen ayaa ka warbixiyey faa’iidada mashruucan u leeyahay degmada, waxaanu sheegay in qaadhaankii Machadka kaga soo aadey ay bixiyeen baahina ay u qabaan kobcinta aqoonta shaqaalaha, waxaana uu degmooyinka kale ugu baaqay in ay qaadhaanka bixiyaan.

Cabdiraxmaan Khadar Maxamuud xoghayaha dawlada hoose ayaa isaguna halkaasi ku soo bandhigay baahiya dhabta ah ee ka jira magaalada Laascaanood iyo qalabka ay haystaan.

Mashruucan oo in badan la sugayey ayaa la saadaalinayaa in uu wax weyn ka bedelo muuqaalka iyo horumarka degmada Laascaanood, waxaana uu ku soo beegmay xili ay xubno golaha degaanaka ka.mid ah ay u xusul duubayaan sidii xilka looga tuuri lahaa maayirka hogaanka u ah oo waxqabad la’aan ay calaamad uga dhigeen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...