Somaliland: Dib U Milicso Hadalkii Muuse Biixi Ku Sheegay In Xubnaha Xukuumaddiisa Lagu Dabiibi Doono Cisbitaalka Dawladda Iyo Booqashadiisii Wasiirka Caafimaadka Oo Cisbitaal Gaara Yaalla

Date:

Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo dhagax dhigayay Waadh cusub oo loo dhisayo qaybta Umulaha ee Cisbitaalka Hargeysa uu ka sheekeeyey sida aanay shacabka Somaliland wax kalsooni ah ugu qabin adeega caafimaad ee xukuumiga ah ayaa waxa uu sheegay wakhtigaasi in uu amar ku bixin doono in masuul kasta oo dawladda ka tirsan la dhigo laguna daaweeyo cisbitaalka guud ee Hargeysa balse hadalkaasi waxa uu noqday mid dhallaan habaabis ah oo aanay waxba ka jirin maadaama aanay xukuumaddu waxba ka qaban adeega caafimaad ee umaddu u baahan tahay, cid kale ha joogtee Wasiirkii caafimaadkuna aamini waayay in la dhigo cisbitaalkii uu gacanta ku hayay.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu shalay Cisbitaalka Gaarka ah ee HALDOOR ku booqday Rabbi Caafimaad sareecan ah ha siiyee Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo ahaa masuulka maalintaasi hadalka Madaxweynuhu ku socday isaga iyo Agaasimiha Cisbitaalka Guud.

Qoraal kooban oo ay shalay Madaxtooyada Somaliland soo dhigtay barteeda Facebook ayaa waxa ay ku sheegtay booqashada Madaxweynaha ee Wasiirkiisa Caafimaadka waxaanay qoraalkaasi ku tidhi: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo booqday Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo xaalad caafimaad loo dhigay Cusbitaalka Hal-door ee Caasimada Hargeysa, ka dib markii uu ku soo booday xanuun kedis ah oo ka haleelay lugta iyo gacanta bidix”.

Haddii aan haddaba dib u milicsanno hadalkii uu hore Madaxweyne Muuse Biixi uga jeediyey xafladdii dhagax dhigga waadhka umulaha ee Cisbitaalka Hargeysa ee uu wakhtigaasi kaga hadlayay xaaladda adeegga caafimaad ee cisbitaallada xukuumadda waxa uu Muuse Biixi Cabdi wakhtigaasi ku yidhi sidan: “Waxaan rajaynayaa in Cisbitaalladeena dawladdu noqdaan kuwo loo soo daawo doonto ee aanay dadkeenu diyaarad u raacin dad inala mid ahi waxay qabsadaan. Dadka Hindiya joogaa inta aad taqaaniin in la mid ah ayay barteen. Caafimaadka inta aad ka barateen ayay ka barteen. Haddana qofka bukaa maanta ee xanuunsanayaa marka Cisbitaalka Hargeysa la keeno ma aaminsana. Xataa Baadhitaanka ma aaminsana iska dhaaf qalliinkee. Waxa aynu doonaynaa haddii aynu nahay masuuliyiinta, Wasiirka, ku xigeenka, dhakhtarka, neeraska, maamulaha, adeegaha caafimaadku inuu xil isa saaro inuu dadka ku soo celiyo inay aaminaan shaqada aad qabanaysaan in ay idinla mid tahay ama ay ka fiicnaato kuwa dibadda lagu qabanayo. Wasiirrada, kiinaa ugu horreeyo (Wasiirka Caafimaadka) waxa uu sitaa baasaaboor Ingiriis waxaan ku amrayaa marka ay bukoodaan halkaasaa la dhigayaa. Waa in aad idinku daawaysaan. Sow odhan maysaan madaxweynuhu marka uu xanuusado waa lala cararayaa dadka kalena halkan halagu daaweeyo. Side ayay dadku u aaminayaan markaa? Waa in aynu innagu isaga bilawnaa. Hadduu Askar (Agaasimaha Cisbitaalka) yidhaa markaan xanuusado Finland baan u cararayaa. Ma dhacayso, No, No!!”.

Si kastaba ha ahaatee Wasiirka Caafimaadka Somaliland waxa aynu u rajaynaynaa in uu Rabbi SWT caafimaad buuxa siiyo balse waxa is waydiin leh sida aanay isku waafaqsanayn hadalka Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu iyo xaqiiqada taalla ee shacabku arkayaan iyada oo wali shacabka Somaliland si weyn u saluugsan yihiin adeegyada caafimaad ee ay helaan gaar ahaan Cisbitaallada xukuumadda oo aanay dadku ka helin adeeggii caafimaad ee ay baahida u qabeen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...