Somaliland: Muxuu Wasiir Sacad Cali Shire Kaga Jawaabay Eedaha In Wasiir Kasta Oo Maaliyadeed Xilalka Maaliyadda U Dhiibto Saraakiil Isaga U Dhadhaw?

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Sacad Cali Shire ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaliilaha Wasiirrada Maaliyadda loogu jeediyo in kolba ciddii timaaddaa ay waaxyaha kala duwan iyo kastamada u dhiibto shaqaale ay isku hayb yihiin ama ay siyaalo kala duwan isugu xidhan yihiin isaga oo sheegay in uu isagu doortay kuwo aanu kala aqoon qabaa’iladooda balse uu ku doortay karti iyo shaqo wanaag.

Wasiir Sacad Cali Shire oo ka jawaabayay su’aal uu waydiiyay Wariye Badri Koosaar oo ka tirsan Telefishanka ERYAL ayaa sheegay in aanu isagu isku shaandhayntii ugu dambaysay ee uu ku magacaabay Masuuliyiin badan oo Wasaaradda ka tirsan aanu u marin hayb qabiil iyo dano gaar ah midna ee uu I maray kaliya shaqo wanaagooda iyo kartida lagu sheegay xubnaha uu magacaabay.

Wasiir Sacad Cali Shire Oo Ka jawaabayay su’aashaasi waxa uu yidhi: “Arrintaasi waxba kama jiraan. Marka ay timaaddo xagga Doorashada in isir iyo reer loo doorto ma jirto. In reernimo lagu qaato dadka wasaaradda ka shaqeeya ee xilalka ka hayaa ma jirto. Waa wax soo jireen ah ayay ahayd mar kasta oo wasiir meesha yimaaddo in tiimka uu la shaqaynayo uu isagu magacawdo. Kumana magacawdo cidda ay yihiin, kumana eryo cidda ay yihiin cidna. Laakiin sida ay hawshu ugu socoto ama uu wax u arko ayuu cidda uu is leeyahay hawshaa way kula qaban karaan ayuu magacaabaa. Anuu dadka la magacaabay maba aqaan qabiilkoodaba. Laakiin waxa aanu ku dooranay waa kartidooda shaqo iyo aqoontooda. Qof kali ah oo aanu isku qabiil nahay ama ii dhawi maba jiro ayaan u malaynayaa. Runta haddaad doonayso maba aqaano. Markaa taasi waxba kama jiraan laakiin isku baddalka waxa aanu u samaynay waa sidii aanu kor ugu qaadi lahayn hawsha iyo shaqada. Si masuuliyadda iyo hawsha taalla loo wada guto”.

Si kastaba ha ahaatee Wasiirrada Maaliyadda ayaa inta badan lagu xantaa in ay waaxyaha kala duwan ee wasaaraddaasi iyo xafiisyadeeda Gobolada u magacaabaan hadba cido ay si gaar ah isugu xidhan yihiin balse Wasiir Sacad ayaa isagu eedahaasi shalay gaashaanka ku dhuftay isaga oo ku dooday in aanu marnaba arrinkaasi ku dhaqaaqin isna aanu ahayn nin garanaya qabaa’ilkooda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...