RASMI: Chelsea & Atletico Madrid Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay In Alvaro Morata Uu Ku Biiray Atletico Madrid Iyo Faah Faahinta Heshiiskan.

Kooxda Chelsea ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday in gool dhaliyihii kooxdeeda ee Alvaro Morata uu ku biiray kooxda caasimada dalkiisa Spain ka dhisan ee Atletico Madrid. Alvaro Morata oo lacag qaali ah ugu soo biiray Blues ayaa ku fashilmay Stamford Bridge wuxuuna hadda ku laabtay goobtii uu kubbada cagta ka soo bilaabay ee Atletico Madrid.

Chelsea ayaa faah faahin ka bixisay heshiiska uu Alvaro Morata ugu biiray kooxda Atletico Madrid waana mid ka yaabin kara jamaahiirta kooxda Chelsea maadaama oo ay Blues aqbashay dalab Atletico Madrid aad iyo aad ugu fiican balse aan kooxdeeda waqti xaadirkan faa’iido badan u lahayn.

Dhinaca kale kooxda Atletico Madrid ayaa isla hadda ku dhawaaqday in ay dhamaystirtay heshiiska ay Alvaro Morata kaga qaadatay Chelsea.

War saxaafadeedka Chelsea ka soo saartay heshiiska Alvaro Morata ayaa lagu cadeeyay in uu Atletico ugu biray heshiis amaah ah oo dhacaya ilaa dhamaadka xili ciyaareedka 2019/20 taas oo muujinaysa sida ay Chelsea diyaar ugu ahayd in Morata uu kooxdeeda uga baxo.

Qoraalka Chelsea ayaa lagu yidhi: “Alvaro Morata waxa uu maanta Atletico Madrid ugu biiray amaah ah ilaa dhamaadka xili ciyaareedka 2019/20 wuxuuna gool dhaliyaha reer Spain baxay kadib markii uu hal xili ciyaareed iyo badh ku soo qaatay Stamford Bridge waana waqti uu soo dhaliyay 24 gool isaga oo saftay 72 kulan”.

Heshiiska uu Alvaro Morata ugu biiray Atletico Madrid ayaa ah 18 bilood waana inta xili ciyaareedkan ka hadhsan iyo xili ciyaareedka soo socda oo dhan iyada oo kadib kooxda Atletico Madrid si rasmi ah ula wareegi karta.

Chelsea ayaa khasaare wayn ku gashay heshiiskii qaaliga ahaa ee ay Alvaro Morata kula soo wareegtay xagaagii 2017 kii wuxuuna Blues ku soo qaatay waqti adag isaga oo awoodi waayay in uu ka soo baxo waajibaadkii weerar ee Chelsea laakiin tan iyo markii uu Giroud ku soo baxay Chelsea waxa uu ahaa mid waqtigiisu xadidnaa.

Laakiin markii ay Chelsea dhawaan amaah kula soo wareegtay GonazaloHiguain waxaa gabi ahaanba luntay rajadii uu xidiga reer Spain ka qabay in uu booskiisa shaxda Maurizio Sarri u tartamo taas oo keentay in Chelsea ay aqbashay dalabka amaahda 18 ka bilood ah ee uu hadda ugu biiray Atletico Madrid.

Markii uu dhamaystiray heshiiska amaahda waqtiga dheer ah ee uu Alvaro Morata ugu biiray kooxda Atletico Madrid ayuu dareenkiisa ka hadlay wuxuuna yidhi: “Anigu aad ayaan u faraxsanahay waxaanan u hanwaynahay in aan halkan joogo. Ma sugi karayo in aan tababarka bilawdo oo aan la kulmo ciyaartoyda cusub ee aanu isku kooxda nahay si aan u ciyaaro”.

Intii lagu jiray kulankii Atletico Madrid iyo Getafe, jamaahiirta Atletico Madrid ayaa ku heesayay erayo ka dhan ah Alvaro Morata iyaga oo diidanaa in uu kooxdooda ku soo biiro maadaama oo uu Real Madrid kula soo xifiltamay.

Comments

comments