Tan iyo intii weerarada is daba joogga ah Maleeshiyaadka Maamulka Puntland ku soo qaadayeen Fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool waxa isa soo taraya hubka fudud noocyadiisa kala duwan oo laga soo daabulayo Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe si dadka deegaankaasi loogala dagaalamo amniga iyo xasiloonida liina sii huriyo duullaanka Puntland ku hayso deegaamadaasi.
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa tibaaxaya in Hub fara badan oo deegaamada Gobolka Sool soo galay ay keentay in qiimihii la kala siisanayay hubku uu si weyn hoos ugu dhaco taasina keentay in uu xaammi noqdo suuqyada Madaw ee hubka lagu kala iibsadaa.
Ilo-wareedyo u dhuun-daloola arrintan ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in qiimaha Halka Qori ee AK-47-ka ahi uu haatan Marayo wax ka hooseeya $600 oo Dollar halka uu markii hore ka ahaa lacago ka badan $100 Doollar waxaanay dillaaliinta Hubka iibiyaa ku sababayeen hub aad u tiro badan oo deegaamadaasi soo galay tan iyo markii Puntland weerar culus ku soo qaadday deegaamo ka mid ah Gobolka Sool oo fadhiisimo u ah Somaliland Bishii hore.
Suuqyada hubka lagu kala iibsado ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq hoose oo xooggan iyada oo maleeshiyo beeloodka iyo dadka gaarka ahiba ka faa’iidaysanayaan fursaddan wakhti deegaamadaasi xaalad colaadeed ka taagan tahay isaga oo marka horena ka mid ahaa deegaamada xasaasiga ah ee Somaliland oo ay inta badan saamayn amni darro ku hayso Puntland waxaana wakhtigan walaac laga muujinayaa in hubkaasi ku soo fatahay deegaamada Gobolka Sool qaarkii in uu keeno amni xumo iyo xaalad aan wanaagsanayn.
Dhinaca kale xogahani waxa ay tibaaxayaan in hubkan fudud oo u badan qoryaha boobayaasha h noocyadiisa kala duwan in dawladda Xamar ugu deeqday Puntland kuwaasi oo dad hubka ka ganacsadaa kala soo yaaceen Puntland halka sidoo kale Puntland lafteedu dad badan oo deegaanka Gobolka Sool u dhashay ay u qaybinayso hubkan si ay ula dagaalamadaan ciidankooda qaranka Somaliland taasina keentay in ay suuqyada soo galaan hubkaasi.