Khilaafkii Weriyayaasha Warfaafinta Iyo Wasiir Gurey Barwaaqo Oo Soo Laba Kacleeyey,Iyo Shaqaale Tiro Badan Oo Mudo 4 Bilooda Wax Mushahara Qaadan+Sababta
Khilaafkii Madaxda Wasaarada Warfaafinta Iyo Weriyayaasha Ayaan Ilaa Xilligan Wax Xal Ah Laga Gaadhin.Kadib Markii Awaamiirtii Madaxweynaha Somaliland Ee Ku Saabsanaa Soo Af Jarida Iyo MaarayntaKhilaafkaasi Ay Dhinac Isaga Leexiyeen Hoggaanka Sare Ee Wasaarada Warfaafinta.
Suxufiyiinta Shaqada Laga Joojiyay Dhowaan Ayaan Ilaa Wakhtigan Helin Mushaharkii Iyo Gunooyinkii Dhowrkii Bilood Ee Lasoo Dhaafay,Halka Mushaharkii Iyo Gunooyinkiiba Ay Qaateen Dhowrkaasi Bilood Shaqaalihii Kale Ee Dhigooda Ahaa Ee Ka Hawl Gelayay Wasaarada Warfaafintu.Lama Oga Ilaa Hadda Sababaha Ay Talaabadaasi U Qaadeen Madaxda Warfaafintu,
Madaxweynaha Somaliland Mud.Muse Biixi Cabdi Ayaa Xilli Uu Booqasho Ku Tegay Xarrunta Wasaarada Warfaafinta Waxa Qudbad Uu Ka Jeediyay Halkaasi Ku Muujiyay Ahmiyada Ay Hawl Wadeenada Wasaaradu U Leeyihiin Qaranka Iyo Kaalinta Lama Ilaawaanka Ah Ee Suxufiyiinta Shaqada Laga Joojiyay Kasoo Qaateen Dhismaha Iyo Taabba Gelinta Qaranka Iyo,Sida Aanay U Mudnayn In Tacadi Iyo Niyad Jab Dheeraad Ah Loogu Daro, Iyaga Oo Aan Markooga Horeba Helin Mushahar Ku Filan Noloshooda .Isagoo Kadib Intaasina Amar Ku Bixiyay Soo Af Jarida Sida Ugu Dhakhsaha Badan Ee Khilaafkaasi.
.Hase Ahaatee Khilaafkaasi Ayaa U Muuqda Mid Weli Taagan Halkiisii Iyadoo Xogaha Kasoo Baxaya Wasaaradu Tibaaxayaan Inuu Xalkaasi Ka Socon La’yahay Dhinaca Wasiirka Iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradaasi ,.