Deg Deg: Puntland Oo Wacad Ku Martay Inaanay Joojin Doonin Dagaalka Iyo Xabada “Shardi Adagna Ku Xidhay Inay Joojiso”+ Muuqaal

Madaxweyne ku-xigeenka maamul gobolleedka Puntland ayaa shuruudo adag ku xidhay xabad-joojin iyo wada-hadal dhex-mara Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar “Camey” ayaa waxa uu yidhi “Somaliland waxaan wada hadli karnaa markii ay dib ugu laabtaan ciidammadooda halkii ay ka soo duuleen Bishii October ee Sannadkii 2017 balse intii ay ku sugan yihiin Gambara, Gaatama iyo deegaanada kale majiri doonaan wadahadal, xabad joojinta lagu dhawaaqayna waxa ay ahaan doontaa mid dhicis…”