Somaliland: Denmark oo Somaliland ku Dartay Dalal ay Qaadhaan ugu Yaboohday

Date:

Dalka Denmark ayaa shaaca ka qaaday inuu dhaqaale gaadhaya $ 78.9 million ku taageeray mashaariic lagu taageerayo caruurta da’da yar ee aan hoyga lahayn oo laga fulinayo dalal caalamka ka mid ah oo Jamhuurriyada Somaliland ku jirto.

Dhaqaalaha oo horraantii todobaadkan lagaga yaboohay Denmark ayaa la sheegay in noociisa oo la bilaabay sannadkii 2007, guud ahaan ay bixiyeen hanti gaadhaysa hal bilyan kroner (127 milyan dollar).

“Waxay ahayd xaflad taariikhi ah, sababtoo ah, waxaan uruurinay dhaqaale gaadhaya hal bilyan krone, mudadii 12-ka sannadood ee taageerada noocan ah ka socotay dalka Denmark. Aad baan ugu mahadcelinaynaa inta u yaboohday caruurta aan hoyga lahayn,” ayey sheegtay Anna Rørbæk, Agaasimaha warbaahinta ee sanduuqa caruurta Denmark.

Anna Rørbæk waxay intaasi raacisay in taageeradani ku keeni doonto ‘Isbedel xaaladaha caruurta jilicsan ee caalamka, “Dhaqaalahan waxa loo qorsheeyey mashaariicda aanu ka fulinayno laba qaaradood oo caalamka ah, isla markaan aaanu ka fulinayno 12 mashruuc oo loo qorsheeyey caruurta aan hoyga lahayn.”

“Wadamaddan ayey ku jiraan dalalka Kenya, Somaliland, iyo Sierra Leone, taas oo fududeyn doonta in caruur badan ku helaan guryo ammaan ah, tabarucaadka dadka Danish-ku yabooheen,” ayey raacisay.

12-ka ugu waaweyn Hay’adaha gargaarka dalka Denmark ayaa kaalin weyn ka qaatay helitaankan qaadhaankan.

 

 

 

Xilalka Lagu Taxay Dhallinyaradu Waa Tallaabo Lagu Tijaabinayo Doorka ay ku Yeelanayaan Talada Dalka!

 

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa in ku dhow Saddex jibbaar kor u qaaday tirada dhallinyarada wax baratay ee uu xilalka uga dhiibay xukuumadiisa. Tallaabadaasi waxay ka dhigan tahay in xukuumaddani tahay tii da’yarta ugu badan u magacowday masuuliyadaha lagu maamulo digreeto Madaxweyne.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa muddadii uu ololaha doorashada ku jiray sannadkii hore khudbadihiisa uu aad ugu soo qaadi jiray ahmiyada uu siinayo dhallinyarada iyo doorka ay ka qaadan doonaan xukuumadiisa, taasi oo imika rumowday.

Golaha wasiirrada waxa ku badan dhallinyarada, sidaas si la mid ah agaasimeyaasha guud iyo maareeyeyaasha Hay’adaha madaxa-bannaan ee dawliga ah ayey da’yartu ka heshay sad weyn, waxaa madaxweynuhu si la taaban karo ficil ugu muujiyey siduu ugu han weyn yahay dhallinyarada oo ah xoog dihin oo loo carbinayo inay dul ay ku qaadaan u yeeshaan waajibaadka qaranku u igmaday.

Waxa kaloo xukuumadda Madaxweyne Biixi ay diyaarisay oo miiska u saaran barnaamij joogto noqon doona oo ku saabsan jihaynta dhallinarada, waxaanay soo celinaysaa Bisha November ee sannadkan shaqadii qaranka ee ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare ka qalinjabiyaa ugu adeegi jireen bulshadooda.

Hindisahan oo madaxweynuhu oo uu curintiisa lahaa ayaa dalka ka saacidi doona in la helo shaqaale diyaarsan oo ku shaqeeya macalinimo, dhakhtarnimo iyo xirfado kale oo baahi loo qabo.

Haddaba waxa dhallinyarada Somaliland looga fadhiyaa inay si habboon uga soo dhalaalaan masuuliyadaha culus ee madaxweynuhu u dhiibay isla markaana ay kala midho dhaliyaan hankiisa la xidhiidha suulinta musuqmaasuqa oo Madaxweyne Muuse uu axdi ku maray inuu ka tirtiri doono dalka oo aanu u jixin-jixaynin doonin masuul kasta oo lagu helo inuu ku tagri-falay masuuliyad qaran.

Dhallinyarada xilalka loo dhiibay waa halbeeg madaxweynuhu kaga qiyaas qaadanayo siday uga soo baxaan iyo damiirka ay u leeyihiin inay xeeriyaan danta guud.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...