” Kaftanka maanta , Faysal booqdayaa , Cirro baantayaa ” W/Q Axmed Nuur Guruje

” Kaftanka maanta , Faysal booqdayaa , Cirro baantayaa ” .

Sanadihii 80 kii ayaa Abwaankii Ciise Warsame alle ha u naxariistee uu sameeyay hees uu kagga hadlayay jacayl u galay sidduu u dhigay labba qof oo uu kala dooran kari waayay , mid walbana goonidiisa ugu bohol yoobay , markaasuu yidhi :-

Badbaan baan galay ,
Allaylehe badbaan galay ,
iyo Baaxad sooroo ,
waanigaa is boobee .

Waa labba barbaaroo ,
Badhtamah hal-bawlaha ,
midba baal i haystaa .

Beerka jantayaa ,
Xaydha jecliyaa ,
Bidix midig ,
midig bidix

igu baahday taladuye ,
xagee baan u baydhaa .

Imika waa halkaase xaafadayadda arrin taa u eeg baa haysata , oo ah labba nin oo cascas ,bidaarle oo qurbaha ka yimi oo haday is raacaan aan waxba helin , haday kala hadhaana aan waxba helin , oo sidaas uun noosoo hortaagan, ma wax aanan qaadinbaa ,

Waa labba bidaarloo ,
Bogga iyo hal-bawlaha
midba baal na haystoo

Iyagaa bog-dooxii ,
Jeegaanta beerkiyo ,
Bogga noo nugleeyee .

Faysal booqanaa ,
Cirro baananaa .

Naggu baahday taladuye ,
Bahda iyo xigaaloow ,
Xagee baan u baydhnaa .

Comments

comments