Nin u dhashay Dalka Tunisia oo dan yar ah kuna iibiya Fuulka goob yar oo uu leeyahay
ayaa waxa uu maalmihii u dambeeyay isku bedalay xiddig ay dadka Dalkaa u dhashay ku
qaadaa dhigeen baraha bulshada.
Ninkani ayaa waxa laga duubay muuqaal isaga oo jaasaya waxaanu arrintaasi ku kacay xilli
uu ku sugnaa goobta uu fuulka kuu iibiyo, Ninkani ayaa waxa uu ku noolyahay magaalada
Nafsa ee dalkaasi, waxaana magaciisa la yidhaahdaa Fariid Al-nuuri sababta uu u jaasay
ayaa waxay tahay inuu ugu tala galay inuu arrintaasi ku soo jiito macaamiisha kala duwan
ee waddadaasi marayey.
Suxufiyad u dhalatay Dalkaasi oo aad ula dhacday farxada uu ninkaasi miiska yar ee fuulka
ah haystaa ayaa waxay tidhi “Aad ayaan u jecelahay dadka duruufta nolosha haddba siday
tahay ula jaan qaada”.
Sidoo kale dadka u dhashay dalkaasi ee baraha bulshada ku daawaday sawirada iyo
muuqaalka Fariid ayaa waxay sheegeen in farxadu aanay ahayn oo kaliya inuu qofku hanti
aad u badan haysto, balse ay muhiim tahay qannaacada qofku uu ku qanacsanyahay
noloshiisa iyo hantida yar ee uu haysto.
Farxada Nolosha & Ganacsigu Kuma Xidhna Oo Kaliya Inaad Haysato Lacag Badan !
Date: