Dalka China Oo Laga Hirgaliyey Adeeg Shaqaalaha U Sahlaya Inay Seexdaan Iyaga Oo Shaqaynaya !

Shaqaalaha ka hawl gala Guud ahaan Dalka China ayaa waxa ku badan hawsha shaqada, kuwaasi oo aan helin fursado kooban oo ay hurdada ka bogtaan, haddaba shaqaalahan ayaa waxay xal u arkeen inay kiraystaan goob yar oo ay madaxa galiyaan si ay hurdo yar jac ugu siiyaan oo ay u yar u nastaan hawsha oo ku badan awgeed.

Haddaba, xilliga ay shaqaalahaasi kiraystaan goobaha yar yar ee ay hurdada jac kaga siiyaan ayaa ah xilliga Duhurkii si ay shaqada uga nastaan,  goobtaasi yar ee ay ku nastaan Shaqaalaha daalan ee ay hurdadu hayso ayaa waxa lagaga kireeyaa 10 Yuan oo lacagta Dalkaasi ah, una dhiganta 1.5 Dollar,  waxaanuu qofka qiimahaasi bixiyaa goobtaasi u kiraysnaanaysaa muddo 30 daqiiqo ah.

Goobahan ayaa ah kuwo ay kiraystaan dadka shaqaalaha ah oo kaliya waxanu sheegay Xiangshui Space oo maamulaha Shirakada adeegani fulisaa in qiimaha noocaasi ah ee lagu kireeyo oo kaliya xilliga Shaqada ee ay shaqaaluhu u baahan yahay inuu hurdo seexdo, balse xilliyada kale waxay ku kireeyaan 6 Yuan oo lacagta dalkaasi ah waxanu xusay in shirkadoodu ay ka hawl gasho magaalooyinka Shanghai iyo Chengdu dhawaana ay guud ahaan dalkaasi China ka hirgalin doonaan adeegan aadka u layaabka badan.

Comments

comments