Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Saaka Safar Deg Deg Ah Kaga Baxay Hargeysa Iyo Halka Uu Ku Sii Jeedo
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici ayaa waxaa uu saaka safar deg deg ah kaga baxay magaalada Hargeysa .
Madaxweyne ku xigeenka ayaa hada ku sugan magaalada Berbera oo uu isla saaka ba ku waa bariistey , halkaas oo uu kormeeri doono mashaariic halkaasi ka socda
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa la filayaa sida ay ilo ka ag dhawi noo sheegen in madaxweyne ku xigeenku u sii dhaafo magaalada Berbera gobalada Bariga Somaliland gaar ahaan gobalka Sool
Mr Saylici ayaa la filayaa in uu cagta soo dhigo magaalada Tuko-raq ee gobalka Sool halkaas oo ay dhawaan ciidamada Somaliland la waregeen
Ma jiro wax war ah oo ila hada ay madaxtooyada Somaliland ka soo saartey safarkan madaxweyne ku xigeenka