Somaliland: Xukuumadda Oo Sheegtay In Hoos U Dhac Weyni Ku Yimi Waxsoosaarkii Beeraha Ee Deegaannada Somaliland

Date:

Wasaaradda Beeraha Oo Sheegtay In Abaartii Kal-hore  Ay Hoos u Dhigtay Wax-soo-saarkii Beeraha ee degaannada Oodweyne, Hawd &  Maroodi-jeex  

Isu-duwaha wasaaradda beeraha jamhuuriyadda Somaliland ee gobolka Maroodi-jeex, Cabdirisaaq Sheekh Muxumed,  ayaa sheegay in  wax soo-saarkii beeraha ee degaannada Somaliland uu  hoos u dhac aad u weyni ku yimid sannadkii hore, taas oo ay keentay  abaarihii kal-hore.

Cabdirisaaq Sheekh Muxumed, waxa uu sheegay in roob-yaraanta dalka ka dhacday ay keentay in la waayo tacabkii wax soo saarka beeraha ee degaannada Oodweyne, Hawd, Maroodi-jeex, waxaanu xusay in afartan boqolkiiba dadka ku nool Somaliland ay noloshoodu ku tiirsaneyd wax-soo-saarka beeraha.

“Waxay isugu jiraan qaar cunno ahaan u isticmaala, kuwo kalena waa ay ka  ganacsadan, halka  dadka xoolo dhaqatada ah ee reer miyiguna ay  balka siin jireen xoolahooda” ayuu yidhi isu duwaha wasaarda Beeraha jamhuuriyadda Somaliland isaga oo u warramayay idaacada Ergo.

Maxamuud Jibriil Cismaan oo ka mid ah dadka xoolo-dhaqato beeraleyda ah ee ay saameeyeen roob-yaraanta iyo abaaruhu ayaa sheegay in dalagii beertiisa ee bishii siddeedaad ee sannadkii hore uu qallalay markii ay deyrtu baaqatay.

 

Maxamuud oo ah aabbe qoyskiisu ka kooban yahay todoba qof, isla markaana ay noloshiisu ku tiirsanayd beertiisa oo ku taala deegaanka Jufada ee gobolka Gabilay, ayaa si uu uga badbaadiyo saameynta cunayarida reerkiisa waxa uu sayladaha xoolaha iyo suuqa geeyay mid ka mida saddex iyo afartan neef oo xoola ahaan uu leeyahay, isaga oo marar aan badneyn caawimo ka helay qaraabadiisa. Cabdiraxmaan Xasan Aweys ayaa  aaminsan  in dadka xoola dhaqatada reer miyiga ah ee beeraha ku tiirsanaa ay wajihi karaan xaalad kale oo la midda tii sannadihii la soo dhaafay ka dhacday Somaliland iyo degaanadeeda, iyada oo wakhtigan dalagga suuqyada laga helo intooda badan laga keenaa dhinaca waddanka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...