Somaliland: Cabdiraxmaan-Cirro Oo Ka Hadlay Wakhtiga Uu Wareejinayo Guddoomiyaha Xisbiga

Date:

Murashaxii Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay si ballaadhan looggu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, ka dib socdaal uu muddooyinkii dambe ugu maqnaa dalka dibaddiisa, waxaana soo dhaweyn aad u cajiib badan oo looggu sameeyey Madaarka Hargeysa si weyn uga qeyb-qaatay Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi, guddoomiyaha Ku meel-gaadhka ah iyo weli ba sida oo kale hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo taageerayaal aad u tira badan.

Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo ugu horreyn halkaas ka jeediyey kelmado soo dhaweyn ah, ayaa Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI uga mahad-celiyey soo dhaweynta ay u sameeyeen Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI.

“Waxaanu idiin ka mahad-naqeynaa soo dhaweyntaa maanta loo sameeyey guddoomiyaha oo safar shakhsi ah ugu maqnaa dalka dibaddiisa, mudaddii uu maqnaana ay isbedalo yimaadeen oo dalka oo xukuumaddii cusbeyd la soo dhisay, hawlo badana ay sugayaan, markaa waxa aanu idin lee nahay aad iyo aad baad ugu mahad-san tihiin soo dhaweyntaa aad soo dhaweyseen isagu na kelmad buu idin odhan doonaa.”. Ayuu yidhi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde.

Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa faah-faahin ka bixiyey ujeedka socdaalkii uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa, waxaana uu carabka ku dhuftay in Xisbiga WADDANI uu hada u diyaaroobaayo dhisidda mucaaradad adag oo ay u wajahaan Xukuumadda cusub ee uu hoggaaminayo Muuse Biixi Cabdi. “Waxa farxad weyn ii ah in safar gaaban ka dib aan nabad ugu soo noqdo dalkeygii hooyo, waxaan mar labaad u mahad-naqayaa dhammaan ba shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan, Madaxda iyo Taageerayaasha kala duwan ee Xisbiga WADDANI, inta gudaha joogta iyo inta dibadda joogta ba. Walaaleyaal waxa aynu ka war-qabnay in Xisbiga WADDANI guuleystay, waxa aynu ka war-qabnay in aynu go’aan wada-jir ah wada-qaadanay se waxa aan mar labaad idiin ka mahad-naqaya hawshii wanaagsanayd iyo guulahii aad dhaliseen inta ba, dardaarankeenu na wuxu ahaa in aynu Xisbiga dib u dhisno Isha Allaahu oo adkeyno gudaha iyo dibadda ba, noqonana Xisbi mucaarad ah oo ah Xisbiga koowaad ee Mucaaradkaa oo ujeedadiisu na tahay in uu wax toosiyo, mucaaradad adag oo salmi ahna aynu sameyno haddii Alle ka dhigo, wixii kale ee hawlo ahna waa aynu iskugu iman doonaa ee Xisbiga hawlahiisa ah. Xisbiga na hada wixii ka dambeeya waa ay innoo bilaabmayaan shirarkiisii iyo hawlahiisii ba.”. Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.

Mudane Cirro, waxa sida oo kale uu sheegay in uu ka xun yahay in ay weli sii socoto xadhiga lagu hayo madaxda Xisbiga WADDANI, waxaana uu cod dheer ku sheegay in uu Xukuumadda cusub iyo hay’adaha amniga ba uu uga digaayo xadhiga mas’uuliyiinta WADDANI, waxaana uu yidhi:

“Waxa aan ka xumahay in aan weli maqlo in xadhigii mas’uuliyiintu uu weli sii socdo, arrintaasi na arrin loo dulqaadan karo maaha, waanan uga digeynaa Xukuumadda cusub iyo hay’adaha amniga ba in ay sii wadaan xadhiga mas’uuliyiinta la xidh-xidhayo.”.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo wax laga weydiiyey bal in uu isku shaandheyn ku sameynaayo Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in ay suurto-gal tahay isku shaandheyn ballaadhan oo uu ku sameeyo Xisbigaasi isaga oo tilmaamay in ay mar kale dib u dhisayaan Xisbiga WADDANI.

“Xisbiga dibbaa loo dhisayaa oo loo adkeynayaa, waana suurto-gal in isku shaan-dheyn la sameeyo. “.Ayuu yidhi Md.Cirro.

Md. Cirro oo mar kale wax laga weydiiyey wakhtiga uu wareejinayo guddoomiyenimada xisbiga Waddani, wuxuu Md. Cirro yidhi  “Waxa ay ila tahay salaadiintu waa ay yara deg-degeen, Xisbigu na Kaalendar buu ku socdaa, wakhti baana loo qabtay arrintaas, wakhtigii na lama gaadhin weli, waana ay imanaysaa Isha Allaahu tacaalaa.”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...