Somaliland: Maxa Ka Jira In Dawladda Ingiriisku Wax Ka Bedeleyso La Macaamilkeedi Hore Ee Jamhuuriyadda Somaliland

Date:

Doorashadi Somaliland ka dhacdey 13 November, 2017 waxey soo jidatey indhaha caalamka maadaama ay u qabsoomtey si nabad gelyo iyo hufnaan ah ( Waxa lagu galey doorashada nidaamka Iris Biometric voter registration oy adag tahey in lagu noq noqdo ama la musuq maasaqo). Waana marki u horeysey Afrika doorasho nocan ah lagu qabto. , waxaana  soo hambalyeey shacabka iyo dawladda Somaliland, dawladdo badan sida Ingiriiska, Mareykanka, Germanka, Australia iyo qaar kalo badan oo taageera, dhirigeliyana nidaamka doorashada dimuqraadiga ee hannaanka xisbiyadda badan ku dhisan ee loo yaqaan’’ one person one vote’’.  Haddaba ma la odhan kara dawladda Ingiriiska ayaa hor kaceysa dawladahan iyado xiiso gaar ah  waqtigan u qabta Somaliland sababaha soo socda ee aan gadaal ka sheegi doono.

Inkasto waayo aragnimadi hore ee Somaliland ka kasbatey la macaamilka dawladda Ingiriiska ay na bareyso inaaney rajo fiican  ka filan, waayo, Somaliland weligeed kamey helin wax qabad muuqda markaynu dib u jeelecno sooyaal tariikheedki  gumeysiga ilaa waqtigan maanta ah, tusaale ahaan sida u dhistey Cadan, Hong konk, Singapur iwm, dawladdahas oo u hore u gumeystey.   Somaliland iyo dawladda Ingiriisku waxey isla so mareen  baxa degyo iyo dabeylo siyaasadeed oo cakiran oo qalafsan sida:

1- 1954 markey Boqortooyada Ingiriisku, Xeyla Salaase uga tanaasushey HAWD iyo RESERVE AREA. Arrintaas oo kaliftey siyaasiyinta, wax garadka, madax dhaqameedka iyo  shacabka Somaliland iney Ingiriiska ka codsadaan innu xornimadooda siiyo ( xigasho I.M.Lewis )

2- Marku  jarey mucaawinadi dhaqaale iyo tayeenta shaqaalaha markey Somaliland la midowdey Konfurta Somalia,  dhaqaalahaas oo aha xaqi mag dhawga muddadi u Somaliland gumeysanaayey ee aanu wax ba u qaban (1887-1960 ), Ingiriiska oo sabab uga dhigey joojinta mucaawinaadaas dhaqaale in midowgi Somaliland iyo Somalia oo la magac baxey jamhuuriyadda Somalia ( Somalia Republic ) diideen iney ku biraan Dawladaha Barwaaqo Sooranka ( Common Wealth of Nations  ).

3- 1991 markey Somaliland dib u laso noqotey madax banaadeedi, dawladda Ingiriiska ayey aheyd cidda ugu horeysa ee ay ka fileysey taageero siyaasadeed, dhaqaale diblumaasiyadeed, laakiin nasib darro Somaliland way ku hungoodey Waliba dawladda Ingiriisku waxey qaadey tallabooyin ay ku xoojineyso midnimadda Somalia iyado u qabatey shirar caalami ah sida ( The London Somalia Conferenc, 2012 and 2017 ). Shirarkaas oo Somalia loogu raadinaayo taageero siyaasadeed,dhaqaale iyo military.

Haddaba waxeynu ognahey in dawladda Ingiriisku qeyb libaax ka qaadatey is diwaan gelinti cod bixiyaasha iyo qaadashada kardhki aqoonsiga muwaadinka iyo wax kasto ku sabsan doorashadi madaxtooyada ee dhacdey 13 November, 2017. Haddey noqoto la talinta, tababarka guddiga  doorashada, bixinta kharashki ku baxey goob joogayaasha Caalami iyo agaasinkoodi iyo martiqaadkooda ( 27 dawladood ). Safiirka Ingiriska ee Somaliland iyo Somalia Mr. David Concar oo markey codeyntu dhamaatey aha cidda ugu horeysey ee’ u hambalyey shacabka Somaliland sida nabad gelyada iyo hufnaanta leh ee ay ugu codeyeen, Markey  guddiga doorashaduna ku dhawaaqeen natijaddi doorashada deg deg ugu yimid madaxweynaha cusub Muse Bixi Cabdi si ugu hambalyeyo. Safiirka Ingiriiska Mr. David Concar oo shaley markey socotey xafladdi xil wareejinta labada madaxweyne  Axmed Silaanyo iyo Muse Bixi ku dhawaaqey in dawladda Ingiriisku ku caawineyso Somaliland 25 million oo pound.

Haddaba la soco qeybaha dambe falanqeynta  asbaabaha isbedelkan siyaasadeed ugu wacan dawladda Ingiriiska.

Wa bilaahi tawfiiq,

Alla mahad leh,

By: Baashe Gaboobe

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...