“Xidhiidhkan anigoo shakhsi ah oo aan xil ka hayn xukuumad ayaa sameeyay waxayna igu xidheen maxay madaxdiinu noogu iman waayeen……markaa waxaan kula talin lahaa madaxwaynaha cusub ee la doorto somaliland inuu hawshaa xil wayn iska saaro oo dad aqoonteedda.
Tan iyo markii ay Jamhuuriyadda Somaliland lasoo noqotay madax banaanideeda, waxa jiray dariiqooyin badan oo loo maray raadinta aqoonsi buuxa oo Somaliland ka hesho beesha Caalamka. Ilaa haatan oo ay Somaliland yeelanayso madaxweynihii shanaad oo doorashadii Dorraad looga dareeray guud ahaan dalka lagu soo dooran doono xukuumaddii shannaad ee uu horkacayo madaxweynihii shanaad, waxaan dhicin wax la taaban karo ah, oo laga keenay aqoonsiga Somaliland. Haddana iyadoo maalinba ay meel taagan tahay, waxa biyo kama dhibcaan ah in haddana waqtigani uu noqon doono wqatigii horumarka laga samayn lahaa guud ahaan siyaasada aqoonsi raadinta dalka,
Cabdikariim Cali Ayaanle oo ka tirsan shaqaalaha dawladda Somaliland, isla markaasina kamid ah aqoonyahannada da’da yar ee Somaliland, ayaa soo bandhigay fursado bannaanka yaalla oo Somaliland uga faa’ideysan karto ictiraafka uu dalku u baahan yahay ee muddada badan dhabbahiisa lagu taagnaa.
Waddamada Gambia iyo Ghana oo kamid ah dalalka qaarada Afrika, gaar ahaan galbeedka Afrika ku yaalla sidoo kalena kamid ah dalalkii uu Ingiriisku xukumi jiray sida dalkeena Somaliland, ayaa noqon kara waqti xaadirkan meelaha diyaarka u ah aqoonsi JSL hesho, wayna inna garanayaan, waxayna horseedi karaan aqoonsi ay dalkeenu Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho caalamka.
Cabdikariim Cali Ayaanle waxa u suurtogashay inuu xidhiidh la sameeyo qaar kamid ah masuuliyiinta ugu saraysa waddamadaasi, isla markaasina uu hordhigo amaba uu su’aalo ka weydiiyo sidii ay Somaliland u heli lahayd ictiraaf, gaar ahaana uga heli lahayd dalalkooda. Waxa kamid ah madaxda uu Cabdikariim Cali Ayaanle xidhiidhka la sameeyay ee uu kala hadlay ictiraafka Somaliland, Wasiirka arrimaha dibedda iyo wasiirka ganacsiga ee dalka Gambia, iyo sidoo kale xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalkaasi, oo Cabdikariim Cali Ayaanle kula xidhiidhay baraha bulshadu ku kulanto, kuwaasi oo sida uu sheegay jawaab ka helay ah inay diyaar u yihiin ictiraafka Somaliland isla markaasina ay sugayaan in madaxdeenu u tagto.
Cabdikariim Cali Ayaanle ayaa jawaabta uu ka helay masuuliyiintaasi dalalkoodu diyaarka u yihiin aqoonsiga Somaliland, u gudbiyay dawladda Somaliland, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibedda oo uu Cabdikariim Cali Ayaanle hor dhigay, waqtigaasi oo ahaa horaantii sanadkan, waxa uu si toos ah ula kulmay wasiirka Khaarajiga Dr. Sacad Cali Shire, oo u dhiibay farriinta uu ka siday madaxda dawladda Gambia.
Cabdikariim Cali Ayaanle oo Hubaal u waramay waxa uu yidhi;
“Waxaa jira labo dal oo Africa ah oo doonaya inay aqoonsadaan dalkeena Jsl oo diyaar ah taas oo u baahan in loo tago oo lala soo kulmo, waayo innagaa ka Somaliland ahaan doonaynaya in lay aqoonsaddo. Dalalkaasi u diyaarka ah inay inna aqoonsadaan waxa kamid ah Gambia iyo Ghana, labadduba wayna sugayaan hore waan ugu sheegay wasiirka arimaha debedda somaliland waanu aqbalay lakiin wax fulin ah muu samayn haddaan loo tegin oo aan arrinteen loo sii faahfaahina iyaguna inna soo doonan maayaan xidhiidhkan anigoo ah cabdikariim cali ayaanle ayaa sameeyay waxayna igu xidheen maxay madaxdiinu noogu iman waayeen taas oo macneheedu yahay anigu xil mahayo, kaliya waxaan ka tirsanahay shaqalaha dawladda ee rayidka ah waxaan kula talin lahaa madaxwaynaha cusub ee somaliland inuu hawshaa xil wayn iska saaro oo dad aqoonteedda leh oo xogogaal ah u diro si dalkeenu aqoonsi caalamiya u hello waxaa inta badan madaxdeenu ku cell celyaan caalamka ayaanu xidhiidh la samaynayaa caalamku ina wadda aqoonsan maayo ee marba dal ayaa ina aqoonsanaaya kolkaa dalalkan diyaar ka ah ee yagu ina raba aynu ka faa iidaysano.” Ayuu yidhi Cabdikariim Cali Ayaanle
Tallaabada uu muwaadinkani qaaday ayaa la odhan karaa waa mid ka mid ah tallaabooyinka horumarka leh, waxaana haboon iyadoo lagu jiro xili kala guur ah oo doorashada madaxweynenimo dalka ka qabsoomtay, lana sugayo xukuumad cusub oo bisha soo socota bedesha ta haatan, ayaa waxyaabaha looga fadhiyo uu ugu horeeyaay aqoonsiga dalka, waxaana arrintani fursad u siinayanaa maamulka cusub ee iman doona waddo kale oo loo mari kari raadinta aqoonsiga Somaliland.