Somaliland: Heshiiskii DP WORD Ee Dekedda Oo Noqday Mawduuca Dareenka Doorashadu Ku Jihaysan Yahay

Date:

Sida uu noqonayo mustaqbalka dekedda Berbera ayaa qayb ahaan ku xidhnaan doona natiijada ka soo baxda doorashada madaxtooyada ee Isniinta toddobaadkan ay u dareeri doonana dadweynaha jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixin uu Geeska Afrika soo akhriyey oo lagu baahiyey shabakadda Maritime Executive oo uu leeyahay warside xaruntiisu tahay gobalka Florida ee dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in murashaxa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI mudane Cabdiraxmaan Cirro uu dhalleeceeyey sharciyadda heshiiska 440 milyan ku kacay ee  ay Somaliland shirkadda DP World muddo 30 sano ah kaga kiraysay maamulka dekedda Berbera. Waxa aanu murashax Cirro ballanqaaday in haddii uu xilka ku guulaysto uu dib u eegis ku samayn doono heshiiskaas iyo sida oo kale waxyaabaha dadka gaarka ah la siiyey. “Xisbigayagu waa uu soo dhoweynayaa dhammaan mashaariicda maalgashi ee Berbera, laakiin heshiisyada maalgashigu waa in aanay noqon kuwo miiska hoostiisa lagu kala saxeexdo” sidaas ayaa uu yidhi murashax Cirro, isaga oo intaas ku sii daray ballanqaadkiisa oo ah, “Waxa aanu ballanqaadaynaa in aanu dib u eegis ku samayno dhammaan heshiisyada ay xukuumaddan hadda joogtaa saxeexday”

Murashaxa xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Waraabe, ayaa isagu si weyn u taageersan wareejinta dekedda Berbera iyo fursadaha ganacsi ee ku ladhan, ayaa uu joornaalku warbixintiisa ku sheegay isaga oo soo xiganaya Mudane Faysal oo yidhi, “Dekedda waa la ballaadhinayaa, waa la horumarinayaa, imika ayaana aanu bilownay wejigii hore ee hawshaas. Wejiga labaad ee ballaadhintuna waa uu ku xiigi doonaa”

Mudane Faysal ayaa hadal uu dadka u jeediyey Labadii Noofamar waxa uu ku yidhi, “Marka madaxweynaha la ii doorto, Mashaariicdan oo dhan waa aan idiin dhammaystiri doonaa. In Sha Allaah”

Lixdii bishan Noofamar, oo ahayd hal toddobaad uun ka hor doorashada, ayaa ay DP World ku dhawaaqday in ay maalgashi horumarineed ku samayn doonto soonka ganacsiga xorta ah oo laga samayn doono Berbera. Shirkaddu waxa ay sheegtay in soonkan ganacsiga xorta ah oo ku fadhiisanaya dhul dhan 4 kiiloomitir oo isku wareeg ah, uu la mid noqon doon soonka ganacsiga xorta ah ee Jabel Cali ee magaalada Dubai.

Maritime Executive waxa u warbixintiisan ku sheegay in faahfaahinta dhammaystirka hawsha Soonka xorta ah ee Berbera ay shirkadda DP World kala xaajoon doonto xukuumadda cusub ee ka dhalata doorashada toddobaadka 48 saac kadib looga dareeri doono Somaliland.

Dhinaca kalana shirkadda DP World ayaa sheegtay in intii ay gacanta ku haysay maamulka dekedda Berbera uu kor u kac boqolkiiba 40 ahi ku yimi xaddiga kontiinarrada ay ka soo dejisay dekedda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...