Shirka golaha wasiirrada maamul goboleedka Puntland oo uu shir guddoomiyay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa looga hadlay arrimaha kala ah amniga, shirkii wadatashiga qaran ee Muqdisho, amniga xuuudaha Puntland, horumarinta garoomadda Puntland iyo sharcsiga siyaasadda wadaaga.
Shirka Golaha wasiirrada waxaa lagu cadeeyay in aysan ka dhici doonin doorashooyin ka Somaliland gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ay sheegtaan
Warsaxafadeedka Golaha wasiirrada maamulkaas waxaa kaloo lagu sheegay in Puntland ay ilaalinayso nabadgelyada, xasiloonida iyo deganaanshaha Soomaaliya, isla markaana aysan ogolaan doonin daandaansiga ka imanaya Somaliland ee ku aadan xuduudaha Puntland, sida ay hadalka u dhigeen.
“Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa dood dheer ka yeeshay amniga xuduudaha dalka gaar ahaan xuduudaha deeganada ay Puntland la leedahay gobolada waqooyiga Soomaaliya oo ay hada jiraan dhaqdhaqaaqyo doorashooyin. wuxuuna goluhu cadeeyay in midnimada Puntland ay tahay muqadas xuduudaha Puntland-na si buuxda amnigooda loo sugi doono” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka
Dhinaca kale, Warsaxafadeedka waxaa lagu sheegay in dhammaan laamaha amniga dalku ku jiraan howlgalo qaran oo looga hor tagayo cadowga lidka ku ah deganaanshaha Puntland gaar ahaan Ururada Al-shabaab, Daacish iyo cidkasta oo wax-yeeleeya amniga iyo kala dambeynta dalka.
Xukuumadda Somaliland oo hore uga hadashay yooyootanka maamulka majeerteeniya ayaa ku adkasatay inay tallaabo ka qaadays.
Puntland: Golaha Wasiiradda Maamul Goboleedka Puntland Oo Ka Hadlay Doorashada Somaliland
Date: