Goob-joogayaasha caalamiga ah ee dusha ka eegi doono habsami u socodka doorashada Madaxtooyada Somaliland ayaa saaka shir jaraa’id ku qabtay Hotel Mansoor ee Hargeysa.
Goobjoogayaashan oo ka kala socda 27 waddan ayaa waxa martigaliyey guddiga doorashooyinka Somaliland waxaana maalgalinaya dawladda Ingiriiska, waxaanay shaqadoodu tahay inay la socdaan hanaanka doorasho xor iyo xalaal ah oo Somaliland ka qabsoonta.
Warbixintooda ayay ku sheegeen inay si habsami ah illaa hadda u socdaan hawlaha diyaar-garawga doorashada, waxay dhawaan u kala bixi doonan gobollad dalka waxaanay warbixin buuxda ka soo saari doonaan sida ay doorashada ay Somaliland u qabsoonta.
Micheal wales oo ka socda jaamacadda UCL ayaa ka waramay diyaargarawga doorashada Somaliland.
” u diyaar garawga hawshani waxay ahayd mid adag, waxaanu ku niyad sanahay taageerada aan la qiyaasi karin ee aanu ka helnay daneeyaaysha Somalilandbiyo dawladda Ingiriiska oo hawshan maalgelisay”.