SIR CULUS: Dawlada Soomaaliya oo 3 Milyan oo Doolar Ku Wareejisay Xisbiga WADDANI + Cadeyn

Date:

Tan iyo mudadii la aasaasay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxa bulshada Somaliland dhagahooda ku soo noqnoqonayay eedaymo loo soo jeedinayay xisbiga Waddani, taas oo lagu eedaynayo inuu xidhiidh toos ah la leeyahay dawlada Federaalka Soomaaliya, islamarkaana xisbigu u ololeeyo midnimada Soomaliya.

Haddaba baadhitaan saxaafadeed  (Investigative Journalism) ay  suxufiyiin madax banaani ku sameeyeen xidhiidhka ka dhexeeya xisbiga Waddani iyo Dawlada Soomaaliya ayay ku soo xaqiijiyeen jiritaanka xidhiidhka.

xoghayaha arrimaha Dibadda ee xisbiga Waddani, Mudane Maxamed Cismaan Fadal

Dukmantiyo sir ah oo ay heshay saxaafada madaxabanaani ayaa daaha ka fayday xidhiidhka dhabta ah ee ka dhexeeya xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo Dawlada Federalka Soomaaliya.

Cadaymahan waxa ka mid ah jeeg lacageed oo dhan 3 milyan oo Dollar ($ 3,000,000) oo 24 kii bisha 9aad ee September 2017 madaxwaynaha Dawlada Federaalka Somaliya ku wareejisay xoghayaha arrimaha Dibadda ee xisbiga Waddani, Mudane Maxamed Cismaan Fadal, lagana soo qaaday Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Sawirka Jeegan oo hoos ka muuqda waxa ku saxeexan madaxwaynaha Dawlada Somaliya Maxamed Cabdilahi Farmaajo.

Lacagta 3 milyan ee dollar ah ee Dawlada Soomaliya soo siiyay xisbiga Waddani ayaa ah mid loogu talogalay ololaha doorashada Somaliland sida ka muuqata taariikhda la bixiyay jeegan oo ku beegan bilowgii ololaha doorashada Somaliland.

Tani waxay cadaynaysaa in xisbiga Waddani iyo Murashixiisa madaxwayne ee Cabdiraxmaan Cirro ay ka dhabtahay midnimada Soomaaliya taas oo ka soo horjeeda goaankii gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland.

Qofkii muwadin ahow ka tasho, kii qabiil ku raacayow ka fikir.

 

Source: Oogo News

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...