Warancade: Musharaxnimadii Madaxweyne Ee Xisbigii UDUB, Wasiirnimadii Afarta Sanno iyo Safiirnimada Ka Dambeysay.

Date:

Safiirka Cusub ee Somaliland u fadhiyi doona Dalka Itoobiya Cali Maxamed Warancade horena u ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Somaliland, ayaa sheegay in uu Madaxwayne Axmed-Silaanyo ka ogolaaday in laga qaado Xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Danjire Warancade, wuxuu caddeeyay in Madaxwaynaha Somaliland uu u yeedhay markii uu dhawaan sameynayay isku shaandheynta isla-markaana uu ku wer-geliyey inuu ka qaadayo Xilkii Wasaaradda Arrimaha gudaha, una Magacaabayo Wasaaradda Duulista hawada Somaliland, balse uu ka diiday inuu qabto Xilka Wasaaradda Duulista, hasa-ahaatee uu ka dalbaday in Madaxweynuhu u Magacaabo Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland.

“Madaxwaynuhu wuu igala tashaday markii uu xilka iga qaadayay, Aniguna waan la qaatay, Wasaarad kale oo la ii magacaabay waan ka cudur daartay, Safiirka Itoobiya inaan noqdo anigaa dalbaday, maanan khaldamin”ayuu yidhi Warancade.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo Shalay Wareejiyey Xilkii Wasaaradda Arrimaha gudaha oo loo Magacaabay Yaasiin Faratoon oo ah Siyaasi Miisaan leh oo ka soo jeeda Gobolka Sool ee bariga Somaliland.

Danjire Cali Waran-cadde, wuxuu Wasiirka arrimaha gudaha ahaa Muddo afar sannadood ah, xilkaas oo uu Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay markii uu burburay xisbigii UDUB oo uu doonayey inuu ka noqdo Musharrax Madaxweyne.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...