Somaliland: Shacabka Shanta Degmo ee Caasimadda Hargeysa oo Taageeradooda KULMIYE ku Muujiyey Ololaha Xisbiga ee Maanta

Gobolka Maroodi-jeex oo xisbiga KULMIYE si ka duwan maalintii koowaad ee ololaha u sameeyey ololihiisa maalinta labaad, ayaa taageerayaasha xisbigu ku dabbaaldegeen degmooyinka kala duwan ee ay ku dhaqan yihiin.
Shanta degmo ee waawayn ee ay ka kooban tahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ee kala ah; Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Gacan-libaax, 26 June iyo Ibraahim Koodbuur, ayaa dadweynaha ku dhaqani bannaanbaxyo ay ku muujinayaan heerka baaxadda ballaadhan ee taageeradooda xisbiga KULMIYE ah ay ku soo bandhigeen fagaarayaasha iyo garoomada ku yaala degmo walba.
Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan KULMIYE, guddiga ololaha Gobolka Maroodi-jeex, wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil kale, ayaa kala qaybgalay shacabka degmooyinka Hargeysa ee isugu soo baxay fagaarayaasha kala duwan, kuwaas oo khubado kala duwan oo hambalyo, dhiirrigelin xog-warran siyaasadda xisbiga ah u jeediyey.

Comments

comments