Somaliland: Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Shacabka Gobolka Salal kala Qaybgalay Ololaha Maalinta Labaad ee KULMIYE

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE ee jagadaasi mar labaad Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ololaha xisbiga u jooga gobollada galbeedka Somaliland, ayaa maalinta labaad ee ololaha xisbiga ku gaalaa-bixiyey degmooyinka hoosyimaada Gobolka Salal.
Murrashax Cabdiraxmaan Saylici oo ay wehelinayaan masuuliyiin kala duwan oo ka kala tirsan xukuumadda iyo xisbiga, ayaa ololaha doorashada wejiga labaad ee kaltan KULMIYE ka bilaabay magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Salal, halkaas oo uu u hoyday xalay. Intaa kadibna waxa uu socdaal ku maray deegaamo kala duwan oo ka mid ah gobolkaasi oo uu kala kulmay taageero ballaadhan oo ay ku qaabileen dadweynaha ku dhaqan.

Comments

comments