Somaliland: Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo Haldoorka Beelaha Bariga Sanaag oo si Buuxda u Taageeray Xisbiga KULMIYE

Xildhibaannada, Waxgaradka, aqoonyahanka iyo haldoorka beelaha bariga Sanaag ee Somaliland (Warsangali), ayaa si buuxda uu taageeray xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Casuumad hadhimo-sharafeed ah oo uu soo agaasimay Siyaasi Cali Maxamed Cali (Caliyow) oo ka qabsoontay huteelka Lake Assal ee magaalada Hargeysa maanta oo ay isugu yimaadeen xildhibaanno ay ka mid yihiin Md. Cali Barre iyo Md. Cabdiqaadir Xaamud oo labadooduba ka tirsan Golaha Wakiillada, siyaasiyiin uu ka mid yahay Maxamuud Nine, Wasiirro, waxgarad, aqoonyahan, dhallinyaro iyo saraakiil ka tirsan xisbiga, ayaa lagaga wadahadlay taageerada beesha ay ka soo jeedaan ee bariga Sanaag (Warsangeli) ay u hayso xisbiga KULMIYE, waxaanna lagu caddeeyey inay taageero hiil iyo hooba ah la barbartaagan yihiin xisbiga iyo murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).
Xog-warran iyo wadahadal ay halkaasi ka yeesheen xubnahaasi, waxa ugu horreyn ka hadlay Cabdirisaaq Maxamed Cali Cooraaf oo ka mid ah Guddiga ololaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sanaag oo sheegay in maanta bulshada ku dhaqan deegaannada bariga Gobolka Sanaag inay u heellan yihiin taageerada xisbiga KULMIYE iyo sidii ay mar labaad ugu dooran lahaayeen hoggaaminta waddanka.
Xildhibaan Cali Maxamed Aadan (Cali Barre) oo goobta ka hadlay, ayaa si qoto dheer u taabtay qodobo muhiim ah oo taabanaya dareenka bulshada ku dhaqan deegaanada bariga Somaliland, waxaannu si weyn ugu iftiimiyey halka ay taalo danta guud ee Somaliland iyo gaar ahaan ta bulshada ku dhaqan deegaannada bariga Gobolka Sanaag.
“Maanta waynu kala garanaynaa cidda wax inoo soo wada iyo cidda kale innagu waxayu codkeena siinaynaa Xisbigaa KULMIYE ee aynu arkayno waxqabadkiisa iyo sida uu inoola shaqeeyo, codkeenu meel kala ma mari karo,” ayuu yidh Md. Cali Barre.
Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiqaaadi Jaamac Xaamud, ayaa isna tilmaamay masuuliyadi wayni saaran tahay inay bulshada u farta ugu fiiqaan halka dantoodu ku jirto oo uu sheegay in dawladda kaliya ee gobollada bariga wax u qabatay ay tahay dawladda ka dhalatay xisbiga KULMIYE maantana ay codkooda si buuxda u siin lahaayeen murrashaxiintiisa kala ah Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici.
Waxa kaloo kulankaasi ka hadlay odayaal, madaxdhaqameed, aqoonyahan iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah beesha deegaannada bariga Sanaag, kuwaasi oo dhammaantood si isku mid ah uga hadlay muhiimada ay leedahay in beeshu isku raacdo halka ay codkeeda siinayso oo ay go’aan midaysan ku taageeraan murrashaxiinta Madaxweynaha xisbiga KULMIYE.
Gebogebadii waxa halkaasi ka hadlay Siyaasi Cali Maxamed Cali (Caliyow) oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE oo uga mahadceliyey dhammaan odayaasha, madaxdhaqameedka iyo masuuliyiintii kale ee ka soo qaybgashay hadhimo sharafeedka uu u fidiyey iyo sida wanaagsan ee ay go’aanka isula qaateen in beeshoodu si buuxda u taageerto xisbiga KULMIYE iyo Murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka.

Comments

comments