Somaliland: Xisbiga Kulmiye Oo Soo Dhaweeyey Ururka Haama Dhawr,Ururka Dhalinyarada Ee Talo Maal,Iyo Dalada Dhalinyarada Ee Dal-Wadaag.

Xisbiga Kulmiye Oo Soo Dhaweeyey Ururka Haama Dhawr,Ururka Dhalinyarada Ee Talo Maal,Iyo Dalada Dhalinyarada Ee Dal-Wadaag.

Xisbiga Midnimada iyo horumarka Somaliland ee KULMIYE ayaa maanta soo Dhaweeyey ururka Haama Dhawr,Ururka Dhalinyarada Ee Tallo-Maal,Iyo Dalada Dhalinyarada Ee Dal-Wadaag.

Ururadan ayaa maanta Cududooda taageero u muujiyay Xisbiga KULMIYE . waxaanay ay sheegeen inay Taageero buuxda la barbar taagan yihiin Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE .

Guddoomiyayaasha saddexdani Urur ayaa shaaciyay inay qayb laxaad leh ka qaadan doonaan Ololaha iyadoo ugu dambayntiina shaaciyay inay danaha qaranka ka dhex arkeen Xisbiga KULMIYE balse aanay ku dooran dhadhamo iyo qabyaalad.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa dhalinyaradda kula dardaarmay inay u diyaargaroobaan olole nadiif ah oo nabadgalyo ku dhaca waxaanna uu u sheegay inuu balanqaadayo inuu horumar u sameeyo dhalinyaradda Somaliland.

Comments

comments