Somaliland: Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacabka ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Oday Xaashi Nayloon

Oct. 2017
TACSI GUDDOOMIYE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaashi Cabdi Jaamac (Xaashi Nayloon) oo ku geriyooday magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 17/10/2017.

Marxuum Xaashi Cabdi Jaamac (Xaashi Nayloon) waxa uu ka mid ahaa mujaahidiintii naftooda u soo huray dalka Somaliland, isla markaana doorka muhiimka ah ka soo qaatay dib-u-dhiskii iyo horumarintii waddanka.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

Comments

comments