Xildhibaano ka tirsan Golaha degaanka Balli-gubadle oo hore uga tirsanaa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maalintii shalay si rasmi ah u shaaciyay inay ka baxeen xisbigaasi islamarkaana ay ku biireen xisbiga talada haya Ee Kulmiye.
Xildhibaanadan oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Balli-gubadle ayaa sheegay inay bulshadii soo dooratay iyo guud ahaan deegaakoodaba u sheegayaan inay ka baxeen xisbigii laga soo doortay ee Waddani, waxaanay xildhibaanadu intaa ku dareen in ka bixitaanka xisbiga waddani ay sabab u tahay ka dib markii ay arkeen in uu yahay xisbi aan umada reer somaliland hogaan u noqon karin, Aayaha iyo mustaqbalka bulshadana aan gaadhsiin karin halka la doonayo, sidaa awgweed aanu go’aan sannay in aanu cududayada iyo taageeradayadaba ku biirino xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye oo bulshada iyo qaranka wax weyn u qabtay mudadii uu xilka hayay.
Xildhibaanada ka baxay xisbiga mucaaridka ah ee waddani waxay intaa ku dareen in bulshada ku dhaqan deegaanka Balli-gubadle iyo deegaanada hoos yimaadaa ay si buuxda u taageersanyihiin xisbul xaakimka kulmiye waxaanay intaa raaciyeen in kulmiye uu yahay Xisbi mug weyn oo bulshada reer somaliland oo dhan qaadi kara islamarkaana uu murashax u yahay siyaasi ruug caddaa ah oo wakhti badan iyo halgan dheer u soo galay difaaca iyo horumarka qaranka somaliland,wakhtigana ay lagamamaarmaan tahay in shacabka reer somaliland ay u abaal celiyaan codkoodana ku taageeraan Muj.Muuse Biixi Cabdi, iyaguna ay laga bilaabo maanta (Shalay) ay si miisaan iyo mugleh ula shaqaynayaan Muj. Muuse Biixi, dadwaynaha gobolka Hawd iyo guud ahaan bulshada kale ee somaliland-na ay cod uga raadinayaa.
Maalinba maalinta ka danbaysa waxa isa soo taraya taageerayaasha iyo siyaasiyiin tiro badan oo kusoo biiraya xisbiga kulmiye si ay cududooda iyo codkoodaba ula garab istaagaan Xisbiga midnimada iyo horumarka ee Kulmiye, bulsho-weynta kala duwan ee sida xad-dhaafka ah ugu soo biiraya Xisbiga kulmiye islamarkaana isugu jira Aqoonyahanka, Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Haldoorka bulshada, Haweenka, Dhalinyarada ayaa dhamaantood waxay ka midaysanyihiin in xisbiga kulmiye uu yahay xisbi umada reer somaliland wax-qabad ballaadhan u sameeyay mudadii uu xilka hayay taasina ay keentay in labeenta bulshadu ay isugu timaado, sidoo kale hogaanka kulmiye uu yahay Muj. Muuse Biixi Cabdi oo badbaadinta somaliland naf iyo maalba usoo huray, sidaa daraadeed wakhti xaadirkan uu yahay murashaxa ugu mudan ee ay tahay in la doorto.