Somaliland: Wasiirka Qorshaynta oo 4-Baabuur oo Ololaha KULMIYE Loogu Talo Galay ku Wareejiyey Hoggaanka Xisbiga

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka iyo horumarinta Somaliland Md. Maxamed Ibraahim Qabyo-tire, ayaa hoggaanka xisbiga KULMIYE ku wareejiyey gaadiid tiradoodu dhan tahay 4-baabuur oo loogu talo galay inuu xisbiga KULMIYE kaga qaybqaato hawlaha ololaha ee dalka kusoo foolka leh.
Munaasibad ballaadhan oo wareejinta gaadiidkan loogu qabtay, isla xarunta wasaaradda Qorshaynta qaranka, isla markaana ay ka qaybgaleen wasiir Maxamed Ibraahim Qabyo-tire, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, hoggaanka xisbiga xisbiga ee degmada Axmed Dhagax, guddoomiyaha guddida Ololaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex Md. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe iyo saraakiil oo xisbiga katirsani, ayaa lagu wareejiyey gaadiidkan oo tiradoodu tahay Afar gaadhi, looguna talo galay degmooyinka Balli-gubadle, Sayla, Gumburaha iyo Balli-cabbane oo dhammaantooda katirsan gobolka Howd.
Wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka Md. Maxamed Ibraahim Qabyo-tire oo madasha hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii uu qayb libaax uga qaadan lahaa hawlaha ololaha xisbiga KULMIYE iyo sidii uu guul ballaadhan uga soo hoyn lahaa.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere oo isaguna halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa wasiirka qorshaynta ku bogaadiyey dedaalka ballaadhan ee uu ugu jiro sidii uu xisbiga KULMIYE u guulaysan lahaa, waxana uu ku boorriyey inuu halkaas kasii wado dedaalkiisa.

Comments

comments