Iyada oo ay maalmo kooban ka hadhsan tahay ololihii doorashada madaxtooyada Somaliland ee ay galayeen xisbiyada Qaranka Somaliland kuna soo bandhigayeen barnaamij siyaasadeedkooda lagu dooranayo isla markaana bilaabmaya 21 bishan aynu ku jirno oo Shan Caano maal ka hadhsan tahay ayaa waxa cirka isku shareeray xaraaradda siyaasadeed iyo loolanka adag ee dhex maraya xisbiyada Qaranka Somaliland ee WADDANI UCID iyo KULMIYE.
Saddexda xisbi Qaran ayaa waxa loolan adag oo aan waxba la iskula hadhin uu ku dhex marayaa goobo kala duwan oo mid kasteba uu dhinaciisa doonayo inuu guul kala soo caraabo isla markaana kala soo haydo,waxaana goobaha ay xisbiyada Qaranku ee WADDANI,KULMIYE Iyo UCID ay sida gaarka ah ugu loolamayaan kamid ah magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Waxaana magaalada Burco loolan adag oo aan waxba la iskula hadhini uu ku dhex maraya labada xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE,waxaana masuuliyiinta WADDANI iyo KULMIYE ee gobolka Togdheer ay maalin kaste gudaha Burco ka furtaan xafiisyo tiro badan.
Waxaana labadan xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE uu mid kasteba dhinaciisa doonayaa isla markaana guclo orod ugu jiraa sidii uu guul ugala soo hoyan lahaa magaalada Burco isla markaana cod badan uga heli lahaa si uu ugu guulayso hanashada talada dalka.
Bulshada somaliland iyo BEesha Caalamka ayaa isha si adag uga haya sida ay u qabsoonto doorashada madaxtooyada Somaliland oo muddo kooban ka hadhsan tahay isla markaana loo qoondeeyey inay qabsoonto 13 November ee 2017-ka.