Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa ku dooday inaan cadaawad loo arkin tartanka doorashada madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoomaysa 13-ka bisha Nofember ee fooda innagu soo haysa. Waxa kaloo uu sheegay inay xisbi ahaan ka go’an tahay inay mar labaad ku guulaystaan doorashada madaxtinimada waddanka.
“Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha wakiillada ee aan ku fadhiyo, dad baa yidhaahdaa xaq baynu u lahayne maxaa Kulmiye loogu mahadcelinayaa.? waa dhab oo xaq ayaan u lahayn inaynu ku fadhiisano waar qofka xaqaaga kula dhiciyaa miyaanu abaal kugu lahayn, miyaynaan gob ahayn abaalka ayaan gudaynaa oo KULMIYE ayaan guusha la dhicinaynaa oo Muuse Biixi ayaan madaxweyne u dooranaynaa,”ayuu yidhi Axmed-yaasiin oo ka hadlayay xaflad Boorame loogu qabtay taageereyaal ku biiray xisbal-xaakimka KULMIYE.
Guddoomiye ku-xigeenka Wakiilladu wuxuu sheegay in degaankiisu doortaan xisbal-xaakimka, waxaanu yidhi; “Barnaamijkan xisbigan Kulmiye soo bandhigayo waa mid aad ku qancaysaan si aad ugu aamintaan masiirkiina oo cod ugu aamintaan waana in laysla ogolaado in xisbiyo lagu kala jiro iyo halkay danteennu taallaa. waxaan leeyahay codkayagii iyo cuudkayagiiba waxaannu maslaxad ugu garanay inaanu ku doorano xisbiga KULMIYE.”
“Waxa innaga reeban in cadaawad loo arko tartanka doorashada madaxtooyadda ee la galayo. xisbiga Kulmiye waa xisbi soo jiray oo derajo bixiyay oo dariiqyadii dhisay oo madaarradii hirgaliyay oo sida qoraxdu u cadahay waxqabadkiisu badan yahay wixii uu qabtay ayaanu ku taageeraynaa,”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee wakiilladdu.