Falanqayn: Khudbaddii Maxamuud Xaashi Ka jeediyay Xafladdii Kulmiye

Date:

Dad badan ayaa siyaabo kala duwan uga fal celiyay Qudbaddii Maxamuud Xaashi uu maanta ka jeediyay xaflad xisbiga kulmiye musharixiin uu Burco ugu qabtay oo uu ku sheegay in uu weli ka mid yahay xisbiga kulmiye musharixiinta uu watana laga sharaxayo isla kulmiye.

Fahankayga siyaasiga ah markaan dhuuxay luuqadda siyaasadeed ee uu Maxamuud Xaashi ku hadlayay waxa ay noqonaysaa laba mid uun:

1- in Madaxweyne Muuse uu iska diyaariyay xisbigii, taasi waxa ay noqon kartaa heshiis iyo wada hadal hoose oo dhacay, marka loo eego maalmihii ugu danbeeyay oo la arkayay Maxamuud Xaashi oo musharixiin kala duwan geynaya Kulmiye iyo xan soo baxaysay.

2- iyo in ay tahay shax siyaasadeed oo Maxamuud iyo Deegaankiisu go’aansadeen in ay ku wajahaan doorashada foodda inagu soo haysa oo somaliland gudeheeda lagu loolamayo in la kala xildhibaano badsado, taasi waxa ay noqon kartaa in maxamuud wado siyaasad ah in uu ka shaqeeyo sidii xildhibaanno badan ay u heli lahaayeen hadhowna isaga iyo deegaankiisuba hal mar ugu wada guuri lahaayeen meel laga wada tashaday.

Labadaas qodob ee siyaasiga ah oo keliya baa loo fasili karaa hadalkii Siyaasi Maxamuud Xaashi.

Dhanka kale Deegaanka uu ka soo jeedo Maxamuud Xaashi oo tabasho badan ka qabay xukuumadda Madaxweyne Muuse ayaa u muuqda in Dagaal badan oo xagga dowladda kaga imanayay uu wax ka bedelay Madaxweynuhu, iyadoo talaabo badan oo u muuqda fariimo isku soo dhawaansho dowladdu diraysay, sida booqashadii Madaxweyne Muuse Biixi uu ugu tegey Madaxweynihii ka horeeyay ee Axmed Siilaanyo oo hore xukuumadda madaxweyne Muuse loogu eedayn jiray in ay dagaal kula jirto kuna mashquulsantahay tirtirista raadadkii uu ka tegey, taas oo sababtay in Axmed Siilaanyo aanu ka qayb-gelin shir-waynihii kulmiye.

tallaabada labaad ee u muuqata in Madaxweyne Muuse ugu soo dhawaanayo Maxamuud Xaashi iyo deegaankiisa waxaa ka mid ah in madaxweynuhu qaaday talaabo ah in kala xulista musharixiinta deegaanka iyo baarlamaanka barriga burco uu gebi ahaanba aan gudidaas lagu soo darin masuuliyiinta dowladda ee ka soo horjeeda siyaasada Maxamuud Xaashi sida Wasiir Maxamed Kaahin iyo Wasiir Xasan Gaafaadhi taas bedelkeeda waxaa gudidaas kala xulista deegaankaas u metelaya Ex Wasiir Cali Mareexaan iyo Ex Wasiir Axmed Nuur Faahiye oo labaduba aan wax xilal ah ka hayn xukuumadda.

Si kastaba ha ahaatee siyaasaddan ayaa kala miirmi doonta kedib doorashada Golayaasha isku sidkan ee deegaanka iyo baarlamaanka, taas oo noqon doonta in Maxamuud ka mid noqdo hogaanka Xisbiyada Mucaaradka ah iyo in uu hanto Hoggaaminta kulmiye, balse lama filan karo wax ka yar guddoomiyaha kulmiye oo Maxamuud Xaashi kaga sii mid ahaan karo xisbigii tacabka badani uu ka galay,

Falanqayn Suxufi
Calimahdi Jibriil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...