Somaliland: Wasiirka Qorshaynta oo Ammaanay Mashruuc Lagu Gacan-qabanayo Shaqaalaha Dawladda

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,  Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyotire), ayaa  ku amaanay hay’adda shaqaaalaha dawladda barnaamijyo horumarineed ay ku talaabasatay, kuwoo uu ka mid ah mashruuca tiro koobka shaqaalaha dawladda.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in  aanay marnaba hore u dhicin muddada ay Somaliland jirtay in tiro koob lagu sameeyo shaqaalaha dawladda, taasoo faa’iido weyn u leh guud ahaan dalka gaar ahaana in lagu xisaabtami karo dhaqaale ahaan marka la ogaado tirada iyo tayadda shaqaalaha dawladda.

Wasiirka qorshaynta oo shalay hadal ka jeediyay munasibad ay hay’adda shaqaalaha shan baabuur kagala wareegtay baanka adduunka. “Mashruucani wuxuu ka mid yahay mashaariicda farro ku tiriska ah ee midho-dhalka noqday, waanan ku raacsanahay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha in aan inta badan mashaariicda kale laga helin wax ummaddu u aydo. Waan uga mahadnaqayaa hay’adda shaqaalaha iyo maamulkeeda oo si wanaagsan uga midho-dhaliyay. Waxaa jira mashaariic faro badan oo baanka adduunku ina siiyay, masharuucani waa  shan sannadood, wuxuuna bilaabmay bishan aanu  ku jirno 3-deedii  wuxuuna dhammaanayaa sannadka 2021-ka. Waxaanan filayaa wax badan  in aan ka faa’iidi doono,”ayuu yidhi Mr. Qabyotire. Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa in baabuurtaas la wareejiyay ay noqoto tallaabadii u horaysay ee la qaado ka faa’iidaysigan mashruuca oo ay noqoto mid dhaqan gal ah. waan soo dhawaynaynaa in shaqaalaha dawladu ay noqdaan madax taabasho, waayo muddo dhawr iyo labaatan sanadood ah ayaynu soo jirnay.Waxaana laga yaabaa in aanay mudadaasi  weli mashruuca noocaasi ina soo marin,  oo aanay hore u dhicin in la ogaado tiradda shaqaalaheenu intay tahay. Waayo waan ku xisaabtami karnaa  markaynu og nahay  tiradda  shaqaalaheena iyo tayadoodda. Markaas ayaynu  qaadi karnaa tallaabadda wanaagsan.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...