Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Shalay kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).
Xildhibaannada Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ka Waraystay Xaaladda Nabadgalyo ee Dalku ku sugan yahay Xilligan Xaasaasiga ah ee loo diyaar-garoobayo Doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxaanu Wasiirku uu Guddiga Joogtada uga Xog-warramay siday Wasaarad ahaan diyaarka ugu yihiin inay Sugaan Amniga Qaranka muddadan lagu jiro kala-guurka iyo Mar walba, maaddaama oo Waajibaadkooda koowaad yahay ilaalinta Nabadgalyada.
Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo ka mid ah Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo Kulanka ay la yeesheen Wasiirka ka dib, la hadlay Warbaahinta ayaa faahfaahiyey waxyaabihii ay ka wada-hadleen Wasiirka.
Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Sidaad ogtihiin Wakhti Xaasaasiya ayaynu ku jirnaa oo Doorashooyin baa innagu soo fool leh, Nabadgalyaduna way khusaysaa Golaha Guurtida iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha, markaa wakhtigaa Xaasaasiga ah ee aynu galayno si aanu uga wada tashanno, War-bixinna iskaga siino ayaanu ugu yeedhanay. Xaqiiqo ahaan si niyad-furan ayuu noogu warramay, si Walaalnimo ahna waanu uga tashannay, waxaanu Wada-tashiga ku gebo-gebaysanay inaanu Wacyi-gelin samayno, in aanu Cid walba Meesheeda ugu tagno, inaanu Cid walba nidhaahno Nabadgalyadaa idiin dan ah ee ilaashada.”
Xildhibaanku wuxuu tilmaamay in Wasiirku u sheegay in la qabanayo Shir Qaran oo lagaga Wada-hadlayo Adkaynta Nabadgalyada “Wasiirku wuxuu yidhi Shir Qaran oo Nabadgalyada lagaga hadlayo ayaanu qabanaynaa, Shirkaasi oo ah sidii Nabadgalyada loo xasilin lahaa ee wixii jiraba wax looga qaban lahaa..” ayuu yidhi, isagoo intaa ku daray oo Xisbiyada Qaranka ugu baaqay inay iska daayaan Qabyaaladda ay ku ololeeyaan, kuna ekaadaan Qarannimada, maaddaama oo Qarannimo iyo Qabiil aanay meel wada geli karin.
Somaliland: Guurtida Iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Iska Kaashanaya Wacyi-gelin Ku Saabsan Nabadgalyada
Date: