Somaliland: Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Somaliland U Eedeeyey In Ay Si Qarsoodi Ah Ku Bilowdey Wada Hadaladii Lagula Jiray Somaliya

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu xukuumada Somaliland ku eedeyey in ay  si hoose u bilaaben wada hadaladii labada dal ee Somaliland iyo Somaliya  taas oo  ay ku micneeyen  mid  Somaliland u hor seedi karta cawaaqib xumo

Waxaana sidaasi warbaahinta u sheegay afhayeenka xisbigaasi xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba waxana uu sidoo kale xildhibaan Buubaa uu eedo kulul u soo jeediyey xeer ilaaliyaha guud ee qaranka isaga oo ku dhaliilay dacwadii ay dhibanaha ka ahayeen ururka suxufiyinta ee SOLJa oo uu sheegay in uu hor  istaagay  isagoona bananka soo dhigay in xeer ilaaliyaha golaha wakiilada looga yeedhi doono waxna laga weydin doono sababta uu sidaasi u sameyey

Comments

comments