Waxgaradka iyo odayaasha degmadda Axmed Dhagax ee Magaaladda Hargeysa ayaa ku eedeeyay duqa Magaaladda Hargeysa in uu guntiga dhiisha iskaga dhigay sidii uu u dhisi lahaa wadooyinka degmooyinka laga soo doortay.
Waxgaradkan ayaa sheegay in Maayiku fulinin balanqaadkiisii ahaa in uu dhisi doono isla markaana uu qurxin doono wadada Hor marta Edna Hospital, isla markaana tagta jaamacadda Hargeysa.
warsaxaafadeed ay soo saareen waxgaradka degmada Axmed dhagax oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta ayaa u dhignaa sidan:
“Waxa aanu doonaynaa in aanu warsaxaafadeedkan kaga hadlo arrimo aanu aragno in ay yihiin kuwo khuseeya danta guud.
runtii Degmooyinka Axmed dhagax iyo 31 ka may ee magaaladda Hargeysa waxa aad moodaa in ay ka hadheen caasimadda hargeysa inteeda kale intii uu joogay Cabdiraxmaan Soltelco.
waxa maalin walba la arkaa isaga oo xadhiga ka jaraya dhismaha wado cusub oo uu ka hor geliyay labada degmo ee 26ka june iyo ibraahim koodbuur, waxaanu ina leeyahay waxa aan ahay duqiii Magaaladda Hargeysa, nooma muuqato sabab uu ninkaasi ku sheegto in uu yahay duqa caasimada ee waxa uu yahay duqa labadda Degmo.
haddii uu sida ugu dhakhsaha badan u dhisi waayo wadadaas uu iminka balan qaaday iyo kuwo kaleba waxa aanu ka tashan doonaa waxa aanu ka yeelayno, waayo in cashuurta nalaga qaado, hadana aan waxba naloogu qabani nama qabato.
waxa kale oo aanu baaq u diraynaa xildhibaanadda ka ka soo jeeda degmada Axmed dhagax oo iyaga aad mooda in ay ka seexdeen baahiyaadkii degmadda, maadama ay iyagu noo matalaan degmadda, waxaanan leenahay waa in aad sida ugu dhakhsaha badan degmadda xaqeeda ugu soo dhicisaan.”
allaa Mahad Leh
Waxgaradka degmadda Axmed Dhagax