Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Afar Gaadiidka Basaska Dadweynaha ah oo Maalmo is-xig-xigay lagu gubay Magaalada Hargeysa.
Sheekh Aadan-Siiro wuxuu layaab ka muujiyey isla-markaana wax laga xumaado uu ku tilmaamay in dhammaan Hay’adaha Amniga u qaabilsan Somaliland aanay ka hadal Basaskaasi lagu gubay Magaalada Hargeysa Toddobaakii hore.
Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Gaadhigii Afraad ayaa lagu gubay Istaanka Basaska ee uu fadhiisto Taliyaha Qaybta Galbeedka Hargeysa, ee Jananka Ciidammadu fadhiisto Salaadda Makhrib ka dib, ee saraakiisha Somaliland oo dhami fadhiistaan, ee ah Istaanka keliya ee ku dhow Halka Ummadda looga Arrimiyo.”
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa uu sheegay inaan Laamaha Amnigu weli ka hadal Afar Bas oo uu sheegay in lagu gubay Hargeysa “Baskii Afraad ayaa la gubay, haddana Hay’adihii Amniga lama Arag Cid ka hadlaysa, Culimadii Cid ka hadlaysa lama Arag, Tujaartii Cid ka hadlaysa lama Arag, Bas yar oo Agoon loogu shaqeynayey ayaa kii Afraad la gubay, haddana Cid ka hadlaysa lama Arag.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Maxaan Boobaa, maxaan Qaadaa iyo Siyaasad ayaynu ku wareernay, marka innaga oo soo taagan Magaalada Badhtankeeda lagu gubo Afar Gaadhi maxay Nabadgalyadeenu tahay.”
Sheekhu wuxuu sheegay inuu Arrinta Basaska la gubay kala hadlay Dad badan “Waxaan la hadlay 65 Qof oo Dadkii aan Tuhmayey ah, 55 ka mid ahi waxay yidhaahdeen mabaanu maqal..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu Dadweynaha ugu baaqay inay Amnigooda ilaashadaan Muddada lagu jiro Doorashada “Waxaan leeyahay Waar Nabadgalyadiina ilaashada, Waayo? waxa jira Dad badan oo aan jeclayn in Dalkani Nabadgalyo ku kala socdo’e…” ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey.
Somaliland: Sheekh Aadan-Siiro Oo Su’aal Geliyey Waxa Laamaha Amnigu Uga Hadli Waayeen Gaadiid Lagu Gubay Badhtamaha Hargeysa
Date: