Somaliland: Caaqil Jaambiir Oo Ka Digay Xabaashii Sheekh Kuul Gadiid Oo Nin Ganacsade Ahi Dhisanayo

Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir oo ka mid ah cuqaasha taariikhiga ah ee Hargeysa ayaa ka digay in la baloodheeyo dhul xabaal ah oo uu ku aasanyahay Sheekh Kuul Gadiid oo ka mid ahaa culimadii waaweynayd ee dalka islamarkaana ay bulsho badani ka farcantay kuna aasan magaalada Berbera.

Caaqilka, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland dhulkaas ka faasaxday nin ganacsade ah oo dhulkii xabaasha ku wareejiyay dayr. “Diintu waxay sheegtay Inaan xabaalaha la dul degi karin oo aan la dhisan karin, dadkaasina halkay ku duuganyihiin ay yihiin dadkaas islaamka ah guryahooda rasmiga ah oo aan loogu tagi karin.Waxa aad iyo aad u cajiib ah in dhawaadba in xabaalihii oo sawiradii la soo dhigayo iyadoo inta shaqaale loo diro lafihii laga saarayo, waa arrin naxdin leh in marka dhulkii oo dhan la soo dhameeyay oo xukuumaddan joogtaa ay bixisay dhulkii banaanaa iyo ilihii dhaqaalaha in xabaalaha loo soo jeesto.”

Caaqilka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Waxa cajiib ah in maanta Berbera la bixiyay xabaal ka mid ah xabaalihii awoowyadeen. Waxa cadaan ah oo culimo uu Sheekh Aadan-siiro ka mid yahay ay dhawaanahan ka hadlayeen  xabaashii Sheekh Kuul Gadiid oo ku yaala magaalada Berbera oo ahaa culimadii diinta loo daba joogsan jiray in xabaashiisii uu ku kaasnaa dayr lagu wareejiyay oo nin ganacsade ah oo reer Somaliland ah la siinayo, arrintaasi waa fool xumadii ugu weynayd oo mid loo dulqaadn kario maaha, waa in laga damqadaa.”

Caaqilku ugu dambayn wuxuu yidhi “Marka wixii kale oo dhan la soo dhameeyay in xabaalihii dadka loogu tago waxay ila tahay in xabaalihii kale ee Sheekh Isaxaaq iyo Sheekh Samaroon iyo awoowyadeen la faqi doono oo la bixin doono waana arrin murugadeeda leh in culimadii ay dadkaasi ka soo farcameen  dayr lagu wareejiyo xabaalahoodii maaha mid la aqbali karo.”

Caaqilku wuxuu dawladda ugu baaqay inay ka noqoto go’aanka lagu dhisayo ee ganacsadaha lagaga iibiyay dhulkaas xabaalaha ahaa.

Comments

comments